WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

WARGEYSKA JAMHUURIYA MUXUU MAANTA 3.10,05.QORAY?

NATIIJADA CODADKA DOORASHADA EE LA TIRIYAY.

Hargeysa(Jam)- Tirinta codadka doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee dalka ka dhacday khamiistii 29 September, 2005, oo hadda si habsami ah uga socota Xarumaha Koomishanka ee gobalada dalka ayaa waxa soo baxaya qiyaaso aan rasmi ahayn oo hordhac ah oo ku saabsan tirida codadka doorashada ee la tiriyay iyo sida ay xisbiyadu ugu kala horeeyaan.

Gobolka Awdal, Afarta degmo ee uu ka koobanyahay oo kala ah Borama, Lughaya, Saylac iyo Baki oo tirintoodu ka socotay xarunta Koomishanka ee gobolka Awdal ayaa xalay cawayskii laga faraxashay dhammaanba tirintii codadka.

Sida ay Jamhuuriya, u xaqiijiyeen ilo ku dhowdhow xafiiska Koomishanka ee gobolka Awdal, tirada codadka guud ee gobolka Awdal ee Ansaxay waxay dhantahay 133, 266 cod taas oo ah codadkii Afarta degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Awdal.

Codadka degmooyinka Gobolka Awdal iyo siday xisbiyadu u kala heleen waxay kala yihiin sidan hoos ku qoran:

Gobolka Awdal:

Degmada Baki

UDUB: 14,227 cod

UCID: 12,818 cod

KULMIYE: 8,084

Lughaya

UDUB: 19,085 cod

UCID: 2,158 cod

KULMIYE: 3,537 cod

Saylac:

UDUB: 11,358 cod

UCID: 1,738 cod

KULMIYE: 2,835

Boorama:

UDUB: 29,665

UCID: 14,671 cod

KULMIYE: 12,485 cod

Total-ka Guud:

UDUB: 74, 365 cod

UCID: 31,415 cod

KULMIYE: 26,941 cod.

Hase yeeshe Codadka Degmada Boorama ee gobolka Awdal ayaa waxa jira hal Sanduuq oo lagu muransanyahay codadkiisa. Sanduuqaas oo lagaga codeeyay Xaafadda Sheed Dheer ee Magaalada Boorama, oo ay ka codeeyeen 1200, kaas oo markii codadkiisa la tiriyay uu xisbiga UDUB ka helay 800, oo cod ayaa arrintaas waxa ku gacan saydhay labada xisbi ee Mucaaradka KULMIYE iyo UCID, oo sheegay in aanay natiijada Sanduuqaas ku qanacsanayn oo ay ku tilmaamay in xisbiga UDUB ku shubtay.

Sanduuqaas oo codadkiisa lagu daray tirada guud ee codadka degmada Boorama iyo ka gobolkaba may saxeexin Wakiilada labada xisbi, waxaanay ka gudbiyeen dacwad ay u gudbiyeen Koomishanka dhexe ee Qaranka.

Gobolka Hargeya, ayaa guud ahaan codadkii degmooyinka intooda badani ay ku soo xeroodeen Xafiiska Koomishanka ee gobolka Hargeysa oo ay hadda tiradoodii socoto.

Natiijooyinka codadka doorashada gobolka Hargeysa ee soo gaadhay Xafiiska Jamhuuriya, oo aanay ku jirin ilaa 65 goobood oo u badan Degmada Salaxlay, gudaha Magaalada Hargeysa iyo Degmada Gebilay ayaa waxay dhanyihiin guud ahaan 190,812 cod. Natiijadaas gobolka Hargeysa ee na soo gaadhay waxay xisbiyadu u kala heleen sidan hoos ku qoran:

Gobolka Hargeysa:

UDUB: 61,141cod

UCID: 53,454 cod

KULMIYE: 76, 217 cod

Gobolka Saaxil, oo tirinta codadka doorashada ee laga soo gudbiyay degmooyinka Gobolka ay xalay cawayskii ka bilaabantay Xarunta Koomishanka Gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa codadka la tiriyay waxay xalay saqdii dhexe Maraysay 62 goob cod bixineed oo ka mid ah Sagaashanka goob cod bixineed ee uu gobolku ka koobanyaha. Codadka la tiriyay ee 62-kaas goobood ee ka tirsan gobolka Saaxil, waxa ay Saddexda xisbi u kala heleen sidan hoos ku qoran:

Gobolka Saaxil

UDUB: 13,200 cod

UCID: 13,700 cod

KULMIYE: 8,866

Gobolka Togdheer oo tirinta codadka doorashada ee degmooyinka gobolkaas hore loo dhammaystiray ayaa la sheegay in xalay Koomishanka Doorashooyinka gobolka Togdheer bilaabay in dib loo tiriyo codadkii doorashada ee degmada Burco oo hore loo tiriyay ka dib markii la sheegay in khaladaad ka soo baxay Sanaaduuqda qaar ka mid ah goobihii cod bixinta doorashada ee Burco. Hase yeeshe, natiijada guud ee codadka doorashada gobolka Togdheer dib u tirinta ka hor waxa ay dhanyihin 120,748 cod guud ahaan gobolka Togdheer, siday xisbiyadu u kala heleen codadkana waxay kala yihiin

Gobolka Togdheer:

UDUB: 38,509 cod

UCID: 35,085 cod

KULMIYE: 47,154 cod

Hase yeeshe, tirade codadkaas gobolka Togdheer looma qaadan karo natiijadii rasmiga ahayd iyada oo natijada rasmiga ahi soo bixi doonto marka la dhammaystiro dib u tirinta codadka oo xalay ka bilaabantay Xarunta koomishanka Togdheer ee Burco, Maantana loo ballansanyahay in dib u tirinta codadkaas la sii ambo qaado.

Gobolka Sanaag, ayaa ilaa hadda waxa na soo gaadhay natiijada cod bixinta doorashada ee degmooyinka Ceerigaabo iyo Gar-adag balse waxa aan nasoo gaadhin codadkii doorashada ee Degmada Ceel-afweyn oo la sheegay in muran ka dhashay awgeed aanay Sanaaduuqdii iyo natiijadii cod bixinta toona gaadhin xarunta Koomishanka Doorashooyinka ee gobolka Sanaag.

Natiijada codadka labada degmo ee ka tirsan gobolka Sanaag, ee Ceerigaabo iyo Gar-adag iyo siday u kala heleen waa sida hoos ku qoran:

Ceerigaabo

UDUB: 23, 238 cod

UCID: 14,900 cod

KULMIYE: 24,450 cod

Gar-adag

UDUB: 3,500 cod

UCID: 1,400 cod

KULMIYE: 6,650 cod

Gobolka Sool, ayaan ilaa hadda laga hayn natiijo rasmi ah codadkii doorashada iyada oo la sheegay in muran ka jiro meelo ka mid ah codadkii Sanaaduuqda.

Sidaas daraadeedna iyada oo ay Maalmahanba go’anayd isgaadhsiinta Telefoonada ee Magaalada Caynabo oo ah xarun goboleedka Koomishanka gobolka Sool ayaanay jirin ilaa hadda xog rasmi ah oo laga hayo natiijada codadkii doorashada ee gobolkaas.

SAADAASHA SADDEXDA XISBI IYO KALA HELIDDA KURAASTA DALKA

Hargeysa(Jam)- Inkasta oo ay weli tirintoo codadka doorashada Golaha Wakiiladu ay socoto ayaa haddana natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxayaa waxa ay muujinayaan isbedelo ku dhacaya saadaashii laga filayay sida ay saddexda xisbi ee doorashada ku loolamayay ay ugu kala horayn karaan guusha kuraasta Baarlamaanka.

Rajooyinka uu saddexda xisbi mid weliba filanayay inuu ka heli doono kuraasta Baarlamaanka ayaa waxa ku dhacay isbedel aad u ballaadhan waxaana hadda muuqata in gobolada badankooda ay isku dhowdhow yihiin codadka doorashada ee ay sadddexda xisbi kala heleen taas oo la filayo in natiijada guud ee kuraasta Baarlamaanka ee ay saddexda xisbi ku kala gulaystaan ay noqon doonto mid aad isu dhow oo aan farqi aad u weyni u dhaxayn.

Gobolka Hargeysa, ayaa sida ay qiyaasaha soo baxayaa muujinayaan waxa lagu tilmaami karaa codadkii gobolka Florida ee doorashadii Maraykanka sannadkii 2000.

Marka la eego doorashadan golaha Wakiilada Somaliland ayaa gobolka Hargeysa oo saddexda xisbi ay ku tartamayeen labaatan kursi waxa dad badani aaminsanaayeen in xisbiga KULMIYE si weyn ugaga badsan doono kuraasta Baarlamaanka saddexda xisbi ee kale, waxaana dad badani saadaalinayeen in ugu yaraan 11 kursi xisbiga KULMIYE ka heli doono kuraasta Baarlamaanka gobolka Hargeysa.

Hase yeeshee sida hadda muuqata, waxa la saadaalinayaa inaan xisbiga KULMIYE ka heli doono ugu badnaan Sideed kursi gobolka Hargeysa, halka xisbiga UDUB oo la filayay inuu kuraas tiro yar oo aan ka badnayn Afar kursi ka heli karo gobolka Hargeysa uu hadda la filayo inuu ka helo Shan ama Lix kursi. Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee UCID oo hadda codadka la tiriyay gobolka Hargeysa ka dhawr kun ka hooseeya xisbiga UDUB ayaa la filayaa inuu kor mari doono xisbiga UDUB marka ay soo baxaan natiijada codadka ee Degmada Salaxlay oo lagu rajo weynyahay inuu xisbiga UCID tiro badan ka heli doono codadka degmadaas.

Gobolka Awdal, oo codadka doorashada la filayay inuu 13kar kursi ee gobolkaas uu xisbiga UDUB ku guulaysan doono ugu yaraan 10 kursi ayaa hadda wuxuu u muuqdaa inuu xisbiga UDUB heli doono toddoba kursi marka la eego tirada guud ee codadka doorashada gobolkaas.

Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE ayaa u muuqda in midkoodba ka heli doono saddex kursi gobolkaas.

Gobolka Saaxil, ayaa la rajaynayaa in xisbiga UDUB ugu yaraan ka heli doono 5 kursi, xisbiga UCID ayaa isna la filayaa inuu ka helo Saddex Kursi, halka xisbiga KULMIYE-na la saadaalinayo inuu heli doono laba kursi oo keliya.

Gobolka Togdheer ayaa saddexda xisbi qoorta iskula jiraan iyaga oo aan farqi aad u weyni u dhaxayn hase yeeshe haddii aan isbedel ku keenin dib u tirinta codadka gobolkaas ee xalay la bilaabay waxa la saadaalinayaa in saddexda xisbi kuraasta ay kala heli doonaan ay noqon doonto KULMIYE oo heli doona 7 kursi, iyo xisbiga UCID iyo UDUB oo midkooba heli doono Afar kursi.

Sidoo kale 12-ka kursi ee gobolka Sanaag ayaa la filayaa in kuraasta ay ka heli doonaan KULMIYE iyo UDUB ay isku dhawdhawaan doonaan kuraasta ay ka kala heli doonaan gobolka Sanaag, farqiga u dhexeeyaana aanu ka badnaan doonin mid iyo laba balse waxa la filayaa in xisbiga UCID uu tirada ugu yar ka heli doono gobolkaas.

Gobolka Sool, sidoo kale inkasta oo aan weli natiijo ka soo bixin waxa la saadaalinayaa inaanay wax badan ku kala horayn doonin saddexda xisbi.

Si kastaba ha ahaate, sida la saadaalinayo midna ma heli doono guul Aqlabiyad ballaadhan oo uu ku hoggaamin karo Majaraha Golaha cusub ee Baarlamaanka, balse waxa muuqata marka labada xisbi ee Mucaaradka ah KULMIYE iyo UCID ay is bahaystaan kuraasta ay ka kala heleen Baarlamaanka inay heli doonaan Aqlabiyad weyn oo ay kaga kor maraan xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB isla markaana ay labadaas xisbi ee Mucaaradka ahi heli doonaan aqlabiyad buuxda oo ay ku hoggaamin karaan shirguddoonka Golaha Wakiilada.

--------------------------------------------------------------------

BBC-da iyo Somaliland:

Waxa xusid mudan in la dareemo in BBC-da AF-Soomaaligu aanay haba yaraate wax faallo ah ku soo qaadin doorashadii Baarlamaanka Somaliland Barnaamijkii Jaraa’idka toddobaadlaha ah maalintii Axadii 2/10/05 wixii caalamku ka qoray iyo aragtiyaha kala duwan ee Warbaahinta Caalamka.

BBC-da barnaamijkaas waxay kaga sheekaysay ninka uu Bush Cadaaladda Maraykanka u doortay, gabadh kiis loo haysto iyada oo ay doorashada Somaliland ahayd guul weyn oo Soomaalida oo dhan u soo hoyatay.

Waxaan keliya oo odhan lahaa “Qalwadii masbaa galay, Qodax baana hoos taal”

Yuusuf Boos, Hargeysa

Somaliland waxa u soo hoyatay Guul Taariikhi ah

Waxa Shalay ii sharaf iyo farxad ah inaan umadan Reer Somaliland, shacbiga, Dawladda, Asxaabta, Koomishanka Qaranka, Ciidamada Qalabka sida, Booliska, Milatariga iyo Asluubtaba, inaan ku tahniyadeeyo sida sharafta leh ee ay qolo weliba u gudatay xilkii Qaranimo ee ka saarnaa in doorashadii Wakiilada Somaliland lagu soo dooranayay ku dhammaato nabadgelyo buuxda oo aan habay yarate aanay waxyar oo muran iyo is-riix ihi ka dhicin.

Waxaynu ka war haynaa in adduunkan aynu ku nool nahay qolo weliba ay leedahay dhul ay ku nool yihiin oo xuduudi ku xeerantahay oo intii adduunkani soo jiray dalalna xor ahaayeen qaarna la gumaanay jiray, aan ka soo qaadno Afrika.

Dagaalkii labaad dabadiisii dalal badan oo Afrika ah ayaa xoroobay. 1960-kii ayaa Somaliland xorowday oo Isticmaarkii dalkii Somaliland gacan ka saaray dalkoodii iyo xukunkiisiba. Waxa ka dhacay Somaliland in xorriyadii iyo dalkoodii iyo calankoodii ay la cararaan oo ay gacanta ka saaraandalkii aan jaarka ahayn oo loo yiqiin Soomaaliya oo wax aqoon ah aanaynu u lahayn. Mindida daabkeedii ayaynu u dhiibnay waxaynu ku nidhi Noo Taliya. Runtiina waa laynoo taliyay oo layna ciqaabay oo umadan loo gaystay aan wax aan Afrika ka dhicin, Dil, dhac, kufs aan xad lahayn.

Burbur magaalooyinkii, dad iyaga oo nool Baatrool lagu shubay kabriidna lagu qabtay, dad nolol lagu aasay kumanaan iyo kuamanaan lagu burburiyay guryahoodii, dad iyo xoolaba waa la xasuuqay. Waxa dhintay 150,000 oo qof, waxase mucjiso noqotay in umadii iyada oo aan loo kala hadhin mid gudo ku jira iyo mid dibadda joogaba, rag iyo dumar, lays abaabulay oo dagaal lagu qaaday Siyaad Barre iyo ciidamadiiii reer Koonfureed oo Maal iyo dhiigba loo huray sidaana Somaliland dalkeedii ku xoraysay.

Haddaba, aan xorayno dalkiiye waxa loo baahday Aqoonsi, kaas oo ah lagama maarmaan oo ah inaynu dadyawga adduunka ka mid noqono.

Somaliland waxay ogaatay in aynu aqoonsi ku helayno inaga oo mid noqona, kalana dambayna oo nabadda adkayna, dawladnimadana is garab taagna. Afar iyo toban sannadood ayaynu adkaynay nabadii, adduunkina waa inaga sii jeestay, cadaw badana waynu leenahay Carab iyo Soomaaliba. Intaana reer Soomaaliya ayaa ugu wacnayd oo ina sheeganaysay oo lahayd dadkaa iyo dalkaaba anagaa ayaa lehe hana kala goynina.

Haddaba, waxa dhacday in umaddan Reer Somaliland dhibaato kasta u adkaysteen oo nabadoodii iyo kala dambayntoodii ku fara adkaysteen. Saddex doorashana galleen, Dastuurkii, Deegaankii, Madaxtooyadii. Adduunkii iyo Caalamkii oo dhan ayaa inoo soo jeestay oo waxa la yidhi umaddan Somaliland waa umad dalal badan ka horaysa ee aan doorashada Baarlamaanka soo hubin, AFarta Bayno jaho ayaa laynooga yimid natiijadii waxay noqotay in umadii Somaliland cadaysay inay dalal badan oo aqoonsi haysta ay si kasta uga horayso. Doorashadan guusha ku dhammaatay waxay ka nixisay cadawga waxaanay ka farxisay kuwii inoo hiilinayay ee sadiiqeena ahaa. Waxa dhacday wax illaahay loogu mahad naqo.

82 ka Murashax ee soo baxa shicibka Somaliland haddii aanu nahay waanu tahniyaydaynaynaa, waanuna soo dhawaynaynaa, llaahayna waxaanu uga baryaynaa in illaahay ku hanuuniyo dariqa tosan dalka iyo umadana daacad u ahaadaan. Waxa loo doortay inay ku socdaan danta caamka ah ee aanay ku socon dan shakhsi ama dan koox. Wax walba waa inay ka horaysiiyaan danta guud, waa inay soo saaraan sharciyo dalka dantiisa ah, waa inay dawladda iyo xisbiyada taageero buuxa ku siiyaan sidii dalkani ugu heli lahaa aqoonsi caalami ah. Waa inay dawladda wixii ay ku qaloocantay toosiyaan, waana inay ogaadaan in iyagana shacbiga REer Somaliland ilaalinayaan, waxaan ku talinaynaa inuu Baarlamaakan cusubi ku bilaabmaa sidii dalkani looga safayn lahaa dadka Ajaanibka ah ee dadkii dalka ka batay.

Col. Cumar Maxamed Nimcaale, Hargeysa



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Madaxweyne; Waxaad Dhistay Xukuumad ka Kooban QARAN iyo Qurba-joog
28/07/2010 -
Aragtida Beesha Toljecle ee Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay
28/07/2010 -
Beesha Bariga Sanaag oo Hambalyeysay Xukuukada Cusub ee Axmed Siilaanyo
28/07/2010 -
Goormaa Kuugu Dambeysay A.A Geeljire iyo Maqaalkiisi Daljire?
28/07/2010 -
Tallo Bixin ku Socota Dawlada Cusub
28/07/2010 -
Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June
28/07/2010 -
Waddada Hormarta Madaxtoooyada oo Markii ugu Horreysay Loo Sameeyey Laambado Laydh, Lagana Asturay Bilic Xumo ku Xeernayd
28/07/2010 -
Warqad Furan: Waxay Indho Arkan Bay Ilko Gooyaan!
28/07/2010 - Faysal Ismaciil Barre (Toosh), Hargeysa.
Bayaankii Tolka ee Gatineau
28/07/2010 -
Yaan la Dayicin Doorka Dumarku ku Leeyihiin Dawladda Cusub
28/07/2010 -
Madaxweyne; Waa Wakhtigii Shacabka Dayaxa la Geyn Lahaa!
28/07/2010 -
Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey Murashaxii (UDUB)
28/07/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002