WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Waraysi Wasiirka Maaliyada , Somaliland

Aniga oo ah weriye Madaxbanaan ayaa ka soo qaaday waraysigan wasiirka maaliyada, waxaana u helay fursad in aan waydiyo su,aalo koobkooban, wakhtiga oo nagu cidhiidhi ahaa iyo socdaalka oo xambaarsanaa olole awgeed, waana kan warsigii oo dhamaystiran:

Su,aal: Wasiir, sidee ku qiimaysay socdaalkiina iyo soo dhawaynta aad kala kulanteen oodweyne shacbigiisa adiga iyo wasiirada kale iyo Madaxweynaha qarankuba?

Jawaab: Horta marka ugu horaysa, waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa shacbiga reer Oodweyen, sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen weftigii Madaxweynaha qaranka Somaliland. Waana ugu mahadnaqaynaa sidaa qaran ee ay dalkooda ugu hawlan yihiin difaaciisa iyo huritaanka awoodooda ay u hurayaan ciddii qaranka danteedu ku jirto. Waana ku hanbalyeeynaynaa go,aankooda ah in ay xisbiga UDUB u foodayaan.

Waxaan kaloo idiin cadaynayaa in ummada Somaliland dhamaantood ogtahay, xilligii uu madaxweynihii hore geeriyooday in Madaxweyne Daahir ku balanqaaday in dalka uu ku wadi doono dhabihii Madaxweynihii hore, oo ah midnimo, horumar iyo daacad. Reer Oodweynena balan ayuu u qaaday, waxaana cad in mashaariicdaas uu Madaxweynaha xukuumadiisa idiinku balanta qaaday Oodweyne ahaan uu si cad u fuliyey isaga iyo xukuumadiisuba, idina waxaan filayaa in aad taageeradaas la fahmi doontaan dhamaantayo. Codkiinana siindoontaan musharixiinta UDUB.

S: Wasiir Cawil; waxaad nooga warantaa socdaalkaaga maanta ee aad ku timi Oodweyne iyo mashaariicda aad xadhiga ka jaraysaan ee aad sheegtay in balanqaadkoodii la fuliyey, ma waxaad la sugayseen xilligan doorashada, si ay uga qaybgasho ololaha doorashada?

Jawaab: Maya Adeer; hawshani waa mid socotay mana aha mid aanu doorasho ugu talogalnay, waase dhacaysaa in ciddii ama gobolkii mashaariic badan loo fuliyo, kolay loo naqayo lana tusayo wixii loo qabtay, taas ayaanu annagu leenahay, reer Oodweynow annagu haddaanu nahay masuuliyinta qaranka idiinku jirna, dadaalka gobolka dacalkayagii waanu ka soo baxnay, haday tahay aniga, Siciid Sulub iyo Maxamed Bulaale ama masuuliyiinta kaleba. Maanta idinka ayay hawli idiin taalaa, ma mid aan waxba ka ahayn xisbiga uu galay oo ay cid kale ku shaqaysato ayaad galaysaan ama u codaynaysaan. Udub waa xisbigiinii sidaas baanuna idinku nimi, hawshaasna maanta dinka aya idiin taal.

Su,aal: cawil miyaanay axsaabtu isku mid ahayn oo buuxin shuruucda xisbinimo, ma mid ayay dad gaara beelo gaara ama cid gaar ahi leedahay?

Jawaab: Haa Kulmiye cid gaar ayaa leh, Annaguana waxaanu qabnaa UDUB in uu qaranka matelo, awoodna waanu leenahay aanu ugaga soo dhamayno Oodweyne wixii waxqab aanu filayno in ay u baahan yihiin. Idinka ayayse idiintaal hawli.

Su,aal: Waxaad nooga warantaa warar ay saxaafadu qortay oo ku saabsanaa la kulankaaga madaxda dawlada Kenya lagu soo dhisay ka waran, maxaa ka jira?

Jawaab: waxaa ka hadlay arrintaas saxaafado badan, waana kuwa cadwgu u soo gabado inta badan, Haatuf ayaa ka mid ah, annigu ma qabo in arrintaasi waxba yeeli karto, kartidayda shaqo ama xirfadeed ee ay xasdka ka muujiyeen cadawga gaashaan buurta ahi, horena waa u jirtay laakiin ummadan iyo aniga mida waxba way ka qaadi waayeen, iyagay u taal sida ay yeelayaan, marka beentu isa soo gurto, waxbana ka jirin anigaana uga lexejeclo badan dalka. Intii aan qabtay dhaqaalaha iyo miisaaniyada dalkaba waxaan ka qabtay, wax ay ka qaban kari waayeen gaashaan buurtaasi, mid saxaafada ku hadla iyo mid been abuura iyo mid aan isaga mooyee in cid kale taliso doonayn in uu arko oo kursiga hamuun u qaba, intuba waxba naga qaadi maayaan, udubna waa guulaysnan doontaa.

Su;aal: Maxaad Burco u tegi weydeen waydinka halkan ka noqonayee, ma waxaad aragteen in gobolkaas uu yahay xarun Kulmiye?

Jawaab: Maya dadku waa qaybsanaa Burco ama Togdheer, weligeedna waxay ahayd tariikh soo jireena, laga soo bilaabo xilligii gobanimadoonka illaa maanta, ha ahaato xilligii Xisbulaahiga, SNL ama NUF oo qoloba xisbi taageerysay ama doorashooyinkii Madaxweyne-nimada ee kal hore. Waxaadse manta mooda, waa sida aad sheegtay ee in qolo qudhi ku guulaysanyso oo taariikhdaas wax iska bedelayaan, waxaana filayaa in ay haboonaan lahayd in dhalinta adiga oo kale iyo da’daadu wax ka qabato arrimhaas. Annagu xilligayagii dadaal badan ayaanu muujinay maantase wakhtigan aanu gabownay, way jirtaa isbedel la dareemi karo, Laakiin socdaalakayaga ayaa markii horeba Oodwyne ahaa, waana ka warhaynaa xaaladaha Burco.

Su,aal: Hadaad tahay masuul qaran miyaanay ahayn, hadalada caadifada leh ee aad ku hadlayso ee dadka kala fogaynaya in ay dhaawac ummada u keeni karto xilligan doorashada?

Jawaab: Waanigii hadeer ka hadlayey farqiga u dhaxeeya labadeena qarni dakii kacaamay, anigu cidna ku duula idin ma lihi, weligayna odhan mayo, Somaliland in ay nabad ku wada noolaato ayaan jeclahay laakiin waaqica tariikheed ayaan idiin guud marayey, waana waraysi sida aad iigu sheegtay mareegteena oo qudha tegaya.

Halkaas markii ay maraysay ayuu noo soo galay wasiir ka mid ah wasiiradii socdalka ku weheliyey, wuxuuna nagu wargeliyey in uu u baahan yahay Cawil oo hawlo degdega ay rabaan in ay fuliyaan ,wakhtiga o yar awgii.

Cawil ayaa halkaa iigu mahadnaqay iguna yiri “ Is arag danbe iyo xogwaraysi danbe ayaynu ku kulmi doonaa insha allaah adeer”. Halkaas ayuu igu nabadgelyeeyay suabaxnimadiina socdaal ayuu ku soo baxay oo Hargeysa ayuu ku soo laabtay.

Freelance Journalist

Siciid Saalax Giriig

Oodweyne

Togdheer





Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Madaxweyne; Waxaad Dhistay Xukuumad ka Kooban QARAN iyo Qurba-joog
28/07/2010 -
Aragtida Beesha Toljecle ee Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay
28/07/2010 -
Beesha Bariga Sanaag oo Hambalyeysay Xukuukada Cusub ee Axmed Siilaanyo
28/07/2010 -
Goormaa Kuugu Dambeysay A.A Geeljire iyo Maqaalkiisi Daljire?
28/07/2010 -
Tallo Bixin ku Socota Dawlada Cusub
28/07/2010 -
Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June
28/07/2010 -
Waddada Hormarta Madaxtoooyada oo Markii ugu Horreysay Loo Sameeyey Laambado Laydh, Lagana Asturay Bilic Xumo ku Xeernayd
28/07/2010 -
Warqad Furan: Waxay Indho Arkan Bay Ilko Gooyaan!
28/07/2010 - Faysal Ismaciil Barre (Toosh), Hargeysa.
Bayaankii Tolka ee Gatineau
28/07/2010 -
Yaan la Dayicin Doorka Dumarku ku Leeyihiin Dawladda Cusub
28/07/2010 -
Madaxweyne; Waa Wakhtigii Shacabka Dayaxa la Geyn Lahaa!
28/07/2010 -
Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey Murashaxii (UDUB)
28/07/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002