Hargeysa (Jam)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay hadalo ku waajahan doorashada Golaha Wakiilada ee la filayo inay dalka ka dhacdo uga jeediyay dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa.
Khudbadaha oo qayb ka ah olole wacyi gelin ah oo Golaha Guurtidu kaga qayb qaadanayso Diyaar garawga Doorashada Baarlamaanka Somaliland, waxa guud ahaan nuxurkoodu ku soo biyo shubanayay ilaalinta iyo dhawritaanka Nabadgelyada, mudada uu socdo ololaha doorashada iyo qabashadeeda.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida, Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux, oo halkaas ka hadlay waxa uu sheegay in dalku ka soo gudbay Marxalado badan maantana marayo meel fiican, dalkuna uu gaadhay Horumar loona baahanyahay in aan dib looga noqon. Sidaas darteed, waxa uu ugu baaqay in qof kasta xil ka saaranyahay ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida mudada doorashadu socoto, iyada oo qof kastaa xaq u leeyahay inuu codkiisa siiyo qofka uu doono.
Xaaji Cabdi Xuseen oo ka mid ah duqayda Ruug caddaaga ah ee Golaha Guurtida ayaa isna ka mid ahaa xubnihii fagaarahaas ka hadlay, “Waxa saaka[Shalay subax] halkan aanu u nimid in doorashada soo socota nabadgelyo ku dhacdo, waad ogtihin in dhoofkii xoolaha ee laf dhabarta u ahaa dhaqaalaheena innaga xayiranyihiin, haddana aynu barwaaqaysanahay, waxa ugu wacan nabadgelyada. Sida oo kale Caalamka Ictiraaf kama aynaan helin, laakiin Illaahay ayaa ina Ictiraafay” ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.
Xaaji Cabdikariim, waxa uu tilmaamay in marka la gudo galo ololaha doorashada loo baahanyahay in si miyir qabta oo sharaf leh wax loo sheego oo cay iyo af lagaado laga fogaado, “Haddii aan hadalku xumaan gacantu ma xumaato” ayuu yidhi Xaaji Cabdi.
“Xisbiyada Mucaaradka ahi, xaq bay u leeyihiin inay wax doco-doceeyaan, daw ayay u leeyihiin ka Muxaafidka ahina inuu dulqaato daw ayaa loogu leeyahay, laakiin xisbigii caytama waa laga tagayaa” ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.
Waxa uu Xaajigu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Dalkani Bari ilaa galbeed waa dad wanaagsan sidaas darteed, waxaan Illaahay uga baryayaa in karaamada shacbiga uu innagu wanaajiyo.”
Waxa hadalada Odayaasha ka dib halkaas qoraal dheer ka akhriyay Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, Cabdillaahi Ibrahim Habane, waxaana qoraalkaas si gooni-gooni ah ula hadlayay Xukuumadda, Xisbiyada, Murashixiinta, Saxaafadda, dadweynaha iyo Hay’adaha Wadaniga ah, kuwaas qoraalka Guurtida ku baraarujinayay doorka looga baahanyahay inay kaga qayb qaataan doorashada Golaha Baarlamaanka.
Dadweynaha
“Walaalayaal Maanta waxa la filayaa inay doorashadan Golaha Wakiilada innagala soo qayb galaan goob-joogayaal badan oo Caalamka ka socda, in badana innaga maqlay wax fiican iyo wax xunba, kuwaas oo intooda badani rajaynayaan inay arrimaheenu guul ku dhammaadaan, oo aynu tusaale u noqono adduuunka oo aynu wax weyn ku soo kordhinay, xaqiiqada arrintaasni waxa la gaadhi doonaa maanta oo ay dhab noqon doonto haddii alla yidhaahdo.
Walaalayaal halaga foojignaado cadawga gudaha iyo dibaddaba, midnimada iyo wada- jirkeena hala xoojiyo hana la ogaado inaynu ku bixino codkeena nabad, hal-ku dhigeenu ‘waa nabad ku codee, codkaagana nabad ku dhiibo’.”
Xisbiyada
“Xisbiyada oo bilaabi doona tartankii ololaha doorashada maxaa la gudboon ee looga fadhiyaa? Waa marka hore maxay yihiin? Xisbiyadu waa xisbiyo qaran oo ku abuurmay sharciyad iyo qaanuun dawladdeed loona abuuray Maslaxadda qaranka si loo gaadho ama loo helo hoggaamiyayaal bulsho oo bulshada horumar iyo mustaqbal leh bartilmaameed u horseeda kuna yimaada tartan, sidaasi darteedna ma aha wax cadaw ah, balse waxay dadweynaha u soo bandhigayaan dad la kala doorto. Qofka la dooranayaana waxa uu ku jiraa gacanta dadweynaha. Sidaasi marka ay tahay maxaa looga baahanyahay ?
Tartan hufan iyo barnaamij ay ku iftiiminayaan hawl qabadkooda, balse loogama fadhiyo dadweynuhuna kama yeelayo wax lagu kala kaxaynayo oo lagu kala faquuqayo, midnimadooda iyo wada-jirkoodaba wax u dhimaya, caytan iyo aflagaado shakhsi iyo xisbi toona ma noqonayaan waxaan ahayn abuurid xasilooni darro iyo khal-khal gelin dadweyne ee dhinaca amniga.
Ugu dambayntii xisbiyadu waa inay isku xaq dhawraan kuna wada shaqeeyaan sharciga iyo xeer hoosaadkii ay wada saxeexdeen ee ay iyagu samaysteen.”
Tartamayaasha
Tartame kasta oo ka sharaxan xisbi waxa ku waajib ah inuu u tartamo sifo sharciga waafaqsan kuna dedaalo kuna tallo galo wax helid iyo wax waayidba haddii uu tartamuhu waxa ka dhexeeya ragga la tartamayo uu gooni isu siiyo waxa ku adkaan doonta aqbaaladda natiijada haddii uu wakhtigu saaacidi waayo, waxaana muhiim ah dedaal iyo in la ogaado in Illaahay leeyahay awoodaha wax suurto geliya, marka intaasi laga yimaado waxa tartamaha ku waajib ah inuu ilaaliyo ama ka digtoonaado wax kasta oo xasaasiyad abuuri karaya guud ahaanba, gaar ahaana Caadifadaha qabiilka. Dhinaca kale waa in dadka uu codka ka doonayo u sheegaa waxa uu noloshooda ku soo kordhinayo haddii la doorto.”
Koomishanka
Hawlahaasi dhacaya ee la xidhiidha tartankan doorashada waxa Garsoore u ah Koomishanka, iyaga ayaana leh awoodda socodsiinta hawlaha doorashada, inta Illaahay ka sokaysa iyaga oo ku shaqaynaya Xeer No. 20-2/2005, ee doorashada Golaha Wakiilada, Koomishanka Afkiisa waxa ka soo baxaa waa inuu ahaadaa mid sharciyada iyo qodobo sharciyadeed waafaqsan, mase aha dad caadi ah oo aragtida uu qof weliba qabo iskaga hadli karo ama odhan karaa mar walba waa inay u muuqdaan dhexnimo una xulaan dadka ay u malaynayaan xilkas iyo daacadba goobaha cod bixinta iyo xafiisyada degmooyinka iyo goboladaba mudnaanta koowaad waxa leh dadka goobta ka hawl galaya, maxaa yeelay? Shaqada u weyn ee doorashada ayaa taala, caddaaladda Ilaahay baa haya haddana Masuuliyadda caddaaladeed waxay saarantahay guddiga Koomishanka Qaranka kolba sida uu Maamulkoodu uga fogaado mad-madow ayuun baa sal u noqonaysa guusha laga gaadho doorashadan Golaha Wakiilada.
Sida oo kale dadka ay u igmadaan socodsiinta hawlaha doorashada waa inay ogaadaan xilka culus ee saaran eed iyo dembina waxa ay kaga baxsan karaan oo keliya ku dhaqanka waxa xeerka doorashadu farayo iyo xeer hoosaadkii xisbiyadu ku heshiiyeen(Code of conduct). Koomishanku waa in ay maanka ku hayaan in goobaha bulshadu ku badantahay ay yihiin magaalo madaxyada gobolada, sidaasi darteedna ay muhiim tahay inay korodhsiimo laxaad leh ku sameeyaan goobihii hore loogu codeeyay ee jiray, maxaa yeelay qaabka farsamo ee doorashadani wuu ka dhib badanyahay kuwiii hore qofkana wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa inuu codkiisa dhiibto, haddii aan goobaha la badin tartame kastaana ma rabo in taageerayaashiisu ka baaqsadaan arrintaasi gole ahaan, waxaanu xasuusinaynaa Koomishanka inay leedahay Muhiimad weyn oo aan la fudaydsan karin.”
Xukuumadda
Waxa looga fadhiyaa inay la timaado qorshe iyo hanaan lagu sugayo amniga iyo xoojintiisaba, dhinaca kalena ay adeegyada iyo Imkaaniyadaadka dawladda dhex u ahaadaan xisbiyada Isticmaalkooda, waa in laga fogaadaa wax kasta oo keeni kara mad-madow iyo shaki loogu lug yeelo xukuumadda, gobolada iyo degmooyinkana waa in la faraa Masuuliyiinta joogta inay u dhex ahaadaan xisbiyada iyo tartamayaashoodaba.
Dhinaca kalena waa inay ku dedaalaan inay gufeeyaan intii suurto gal ah meelaha ay ka taaganyihiin dhibaatooyinka wax u dhimi karaya habsami u socodka hawlaha doorashada ee ku caddaa warbixinadii wufuudii Golaha Guurtida ee dhagaysigeeda ay kala qayb galeen golaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Koomishanka doorashooyinka 20/8/2005.”
Saxaafadda
In badan ayaynu isku sheegnay kaalinta ay Saxaafadu ku leedahay bulshada marka ay ku shaqaynayso wadada toosan, balse marka ay ku shaqaynayso arbush iyo jahawareer way dhib badantahay, waxayna dhalisaa isku dhac iyo iska hor-imaad bulsho. Haddaba iyada oo aynaan lahayn ha sheegina waxa jira waxaan leenahay wixii jira ha dhaafinina xajmigiisa iyo muggiisa, hana abuurina waxaan jirinba. Si gaar ah waa in aan xoogga loo saarin dal-daloolooyinka hawlaha, balse la tilmaamaa sida galdaloolooyinka looga gudbi karo. Waxa Suxufiga saaran xil ka culus qof kasta oo xil u haya ummaddan, sidaas daraadeedna waa in suxufigu ka fogaadaa waxa uu rabo inuu ka waramo oo uu qayb ka ahaado, taasi ayaana u sabab ah abuurista iyo buun-buunta waxaan jirin iyo qarinta wax dhab ah oo waaqic ah, marka maanta oo aynu ku jirno tartankii doorashada Golaha Wakiilada waxa Saxaafadda looga fadhiyaa masuuliyad ka sii culus sidii hore iyo inay dhex ka muujiyaan macluumaadka bulshada ay u soo bandhigayaan kana ilaaliyaan bulshadani dhibaatadu soo daashatay wixii ku keenaya iska hor-imaad iyo khal-khal wax u dhimaya midnimadooda iyo wada-jirkooda kana shaqeeyaan xoojinta midnimadooda iyo iskaashigoodaba.
Beryahan dambe waxa ka muuqda Wargeysyada qaarkood ma aha wax nolosheena qayb ka qaadanaya, balse waxa ka muuqda waa wax haddii aanay bulshadu ka bislaan hawlahaasi dib inoogu celin lahaa wixii laga soo gudbay, golahani kama baaqsan doono inuu waajibkisa ka qaato wixii bulshada iska horkeenaya ee u diidaya hiigsiga mustaqbalka iyo nolosha soo iftiimaysa.
Ururada Maxaliga ah
Ururada Maxaliga ahi waxa ay xidhiidh wada shaqayneed la leeyihin hay’adaha samofalka Caalamiga ah iyo kuwa Jimciyadda Qaramada Midoobay marka ay la joogaan qaarkood uma dhaqmaan sifo muwaadinimo mana oga inay naftooda wax ka sheegayaan waxna u dhimayaan, sidaas darteedna waa in ay ogaadaan in ayna jiri karin haddii la waayo ururka ugu weyn oo ah kan dawladda, maxaa yeelay isku tagga ugu weyn ee Bini-aadam waa kan dawladnimada(Ururka ugu weyn).
Haddaba waxa looga baahanyahay inay ka qayb qaataan oo ay gacan ka gaystaan tilmaamida bulshada iyo horumarintoodaba dhawraana waxa guud ee qaran leeyahay, mana aha inay xoogga saaraan wax ka sheegista gal-dalooloyinka iyo meelaha ay bulshadu ka nugushahay, waana in ayna meesha ka saarin masuuliyadeedii wadaninimo iyo xilka muwaadinka saaran.
Gegebadii
Dadweyne, xisbi, Koomishan iyo hawladeenadisaba, xukuumad iyo dawladba waxa aynu maanta gudo galnay hawl culus oo dalkeena iyo Mustaqbalkeenaba u ah guul haddii ay inoogu dhacdo nabad iyo xasilooni ilaahay baynu ka baryaynaa inuu inoo suurto geliyo, dhinaca kale Adduunweynaha la kadeedmay dalalka ay Colaaduhu naafeeyeen ee guud ahaanba Afrika, gaar ahaan Soomaaliya waxa ay halkeenani ku hayaan diirad, waxayna Somaliland noqon doontaa haddii Alla yidhaahdo meel tusaale u noqon doonta Caalamka oo laga barto duruus lagu dhigto Jaamacadaha ku kala yaala daafaha adduunka iyo in aynu maqaam ku yeelano bulshada Caalamka.
Sidaas darteedna hala ogaado in wadajir, iskaashi, is xaq dhawrid iyo in meel looga wada jeesto danta guud lagu gaadhi karo ka midho dhallinta arrintani ay tahay mid aan la fududaysan karin oo waajib qaran ah, waxaan inoo rajaynaynaa dhammaanteenba guul, horumar iyo mustaqbal aayo leh oo Illaahayna inoo rumeeyo hamigeena iyo himiladeena.”