WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Xisbiga Muacaridka ah ee UDUB oo ka Hadlay Aragtidiisa ku Wajahan Xukuumadda Cusub ee Axmed-Siilaanyo

UCID oo ka gaabsaday inay xilligan ka hadlaan golaha wasiirrada madaxweynuhu magacaabay

Hargeysa (Jam)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay yar tahay Golaha xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin.

Muj. Cali Guray oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga waydiiyo sida ay xisbi ahaan u arkaan golaha wasiirrada Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay shalay, waxa uu xusay in shakhsi ahaan aannu aqoon badan u lahayn xubnaha la magacaabay, sidaa darteedna aannu waxba ka odhan Karin tayadooda iyo aqoonta ay leeyihiin.

“Marka loo eego dawladdii hore ee Rayaale, xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay way ka yar tahay oo waxay ka kooban tahay 20 wasiir iyo lix wasiir-ku-xigeen, runtiina anigu wasiirradan cusub waxba kama garanayo, marka laga reebo rag kooban oo ku jira liiska.

Inay tahay xukuumad tayo leh oo tii dadka loo ballanqaaday ah iyo in kalena waxa la qiimayn karaa marka ay muddo hawshooda wadaan oo iminka waxba laga sheegi kari mayo,” ayuu yidhi afhayeenka xisbiga UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).

Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo iyagana aannu la xidhiidhay si wax looga weydiiyo dareenkooda la xidhiidha dhismaha xukuumadda cusub, ayaa ka gaabsaday inay xisbi ahaan ka hadlaan xukuumadda Axmed-Siilaanyo, iyaga oo xusay inay xisbi UCID ahaan isla garteen in aanay xiligan waxba ka odhan golaha wasiirada la magacaabay.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Tacsi : Marxuum C/llaahi Xuseen Dhagoole
08/09/2010 -
Halka Caruurta Somaliland Ka Farxayaan Maalinta Ciida Annagu Ma Haysanno wax Aannu Ku Faraxno’
08/09/2010 -
Illaahay aynu ka baqano, xaqana aynu isku sheegno
08/09/2010 -
Ku: MADAXWAYNAHA SOMALILAND (Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo)
08/09/2010 -
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
08/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
08/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
08/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
08/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
08/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
08/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
08/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
08/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002