Inta xubnood ee uu ka qaatay xisbiga KULMIYE iyo inta uu aqoonta ku xushay
Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo bandhigay liiska wasiirrada golaha xukuumaddiisa oo ka kooban 20 wasaaradood iyo 6 wasiir-ku-xigeen.
Haddaba, wargeyska Jamhuuriya waxa uu akhristayaashiisa halkan ugu soo bandhigayaa magacyada 26ka wasiir ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo beelaha ay ka soo kala jeedan, saami-qaybsiga gobollada, inta xubnood ee uu ka soo xushay gudaha xisbiga KULMIYE iyo weliba xubnaha uu aqoonta biday, waxaanay kala yihiin sidan:
Magacyada Wasiirrada, beelaha iyo gobollada ay ka soo kala jeedaan:
Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah; Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa/Gabiley
Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Garxajis/H Yoonis/ Togdheer
Wasaaradda Maaliyadda; Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta; Dr. Sacad Cali Shire, H/Awal/ Ciise Muuse/ Saaxil/ Togdheer
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Xuseen Axmed Caydiid, Arab/ Hargeysa/ Balligubadle
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare; Samsam Cabdi Aadan, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa
Wasaaradda Caafimaadka; Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), Garxajis/ Ciidagale/ Hargeysa
Wasaaradda Gaashaandhigga; Axmed X. Cali Cadami, Harti/ Warsangeli/ Sanaag-bari
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska; Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Harti/ Dhulbahante/ Sool
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga; Dr. Axmed Xaashi Oday, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Harti/Dhulbahante/ Sool
Wasaradda Caddaaladda iyo Garsoorka; Prof. Ismaaciil Muumin Aare, Samaroon/ Dilla/ Awdal
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta; Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Arab/ Balli-gubadle/ Hargeysa
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; Ilhaan Maxamed Jaamac, Habar-jeclo/ Sanaag
Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha; Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, Garxajis/ Habaryoonis/ Togdheer.
Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta; Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, Habarjeclo/ Togdheer.
Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalliyarada iyo Dhaqanka; Maxamed Xaashi Madar, Ciise/ Awdal/ Saylac.
Wasaaradda Beeraha; Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Samaroon/ Awdal/ Boorama.
Wasaaradda Duulista iyo Hawada; Maxamuud Xaashi Cabdi, Habar-jeclo/ Sool/ Togdheer.
Wasaaradda Warfaafinta; Cabdillaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire), Garxajis/ Habar-yoonis/ Isaxaaq/ Hargeysa.
Wasiir-ku-xigeennada
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare; Cali Caamud Jibriil, Samaroon/ Boorama/ Awdal.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda; Maxamed Yoonis Cawaale, Arab/ Balligubadle/Hargeysa.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Cismaan Garaad Soofe, Harti/ Dhulbahante/ Sool.
Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Cali Cabdi Saa’iq, Gabooye/ Tumaal/ Hargeysa.
Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda; Warsame Siciid Cabdi, Garxajis/ Habaryoonis/ Sanaag.
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka; Nimco Xuseen Qowdhan, Garxajis/ Habaryoonis/ Hargeysa.
Saami-qaybsiga gobollada
Hargeysa 10
Togdheer 5
Awdal 4
Sanaag 3
Sool 3
Saaxil 1
Total 26
Saami-qaybsiga Beelaha
Habar Awal 5
Garxajis 6
Habarjeclo 3
Samaroon 3
Harti 4
Arab 3
Ciise 1
Gabooye 1
Total 26
Isaaq 17 wasiir
Beelaha kale 9 wasiir.
Xubnaha uu aqoonta biday ee uu degreega ku soo xushay oo dhan 11 wasiir waxay kala yihiin sidan:
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
Dr. Sacad Cali Shire
Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid
Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog),
Dr. Axmed Xaashi Oday,
Prof. Ismaaciil Muumin
Dr. Maxamed Yaasiin Xasan,
Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.
Xubnaha la soo dhex xulay gudaha xisbiga KULMIYE
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
Axmed Xaaji Cali Caddami
Maxamuud Xaashi Cabdi
Dr. Maxamed Cabdillaahi
Dr. Xuseen Xoog
Xuseen Axmed Caydiid
Cabdillaahi Geeljire
Prof. Ismaaciil Muumin Aar
Samsam Cabdi Aaadan
Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
Ilhaan Maxamed Jaamac
Dr. Axmed Xaashi Oday.
Tiradan oo ah kala badh golaha wasiirrada cusub, kuwaas oo 13 ka mid ah laga soo dhex xulay gudaha xisbiga KULMIYE, halka 13ka kalena debedda laga keenay.