WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta ku Dhawaaqaya Golaha Xukuumaddiisa Cusub

Khudbadihii Labada Hoggaamiye ee Xilka la Kala Wareegaya ka jeediyeen xafladii xilwareejinta iyo casuumad madaxweynaha cusub xalay u sameeyeey wufuuda Somaliland Timi

‘Waxaannu marti idiinka nahay in aannu helno qaddiyadda uu qarankayagu leeyahay oo ah in aannu helno xorriyad iyo ictiraaf buuxa iyo horumarka aannu xaqa u leennahay”

Madaxweyne Siilaanyo

“Madaxweynaha la doortayna waa in anaynu is-wada barbar taagno, oo la shaqayno oo ku kaalino haddii Ilaahay yidhaa”

Md. Daahir Rayaale Kaahin

Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha afraad ee talada Somaliland la wareegay shalay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey inuu si rasmi ah Arbacada maanta u shaacinayo golaha xukuumaddiisa cusub ee uu soo dhisay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaa ka sheegay munaasibad taariikhi ah oo uu xilka kagala wareegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, taasoo gelinkii hore ee shalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa.

Xafladda dhaarinta iyo xilwareejinta madaxweynaha cusub ee la doortay oo ahayd tii ugu meeqaamka sarreysay abid ee ka qabsoonta Somaliland, ayaa waxa ka qaybgalay wufuud aad u culus oo ka kala socday dalalka deriska ah ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, wakiillada dawladaha reer galbeedka ee taageera dimoqraadiyadda Somaliland, shirguddoonnada labada gole Baarlaman, madaxda axsaabta qaranka, Komishanka Doorashooyinka, badi xubnaha wasiirrada xukuumaddii Rayaale iyo boqollaal dadweyne ah oo lagu martiqaaday.

Munaasibada xilwarejinta ahayd waxa hadalo ka jeediyey labada madaxweyne ee xilka la kala wareegay, iyada oo uu ugu horayn madaxweynihii ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay munaasibaddaasi uu sheegay inuu kursiga madaxtinimada ku soo dhawaynayo madxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isaga oo tilmaamay in doorashadii madaxtooyadu noqotay taariikh taabo-gal ah.

“Maanta waa maalin aad iyo aad qiimo weyn u leh shacbiga Somaliland; waa taariikh taabbo-gal noqotay oo hirgashay geeddigii aan soo wadnay muddada dheer. Waxaan aad iyo aad hambalyo uga gudbinayaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba meel kastoo ay joogaanba. Waxa kaloo aan hambalyo u jeedinayaa wufuudda ka socota dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ee xafladdan taariikhiga ah nagala soo qeybgalay. Waxa kaloon halkan ku soo dhawaynayaa walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday ee aannu tartamaynay, waxaanan xilka ugu wareejinayaa si niyadsami ah oo isku kalsooni leh oo farxad leh, waxaanan ballanqaadayaa siddeed sannadood ayaan xilka soo hayay - sannad ku-meel-gaadh ah iyo toddoba sannadood oo kale - waxaan garan karayaa culayska xilkani leeyahay iyo dhibaatada hoos taal Madaxweynaha hawsha igala wareegaya anigaa xogogaal u ah.

Waxaan leeyahay anigu waan is-daba taagayaa, gacanna waan ku siinayaa, shacbiga reer Somaliland-na waxaan leeyahay xilkiisa Madaxweynaha haddaynu la garab qabano wuu ka soo baxayaa, haddii kale wuxuu qabtaaba way iska yaraanayaan, markaa aan u midowno inaan is-daba taagno. Waxaan leeyahay tartankii asxaabu wuu dhammaaday oo guul ayuu ku dhammaaday, wax ka hadhayna ma jiraan, inaan maanta dalkeenna u wada shaqayno ayeynu u wada taagan nahay oo aynu meel uga soo wada jeedsano oo taabbogelino qarannimadeenna curdinka ah ee Ilaahay mahaddii aan muddada dheer soo wadnay. Ilaahay mahaddiina dimuqraadiyaddii anigu hirgelinteeda aan bilaabay qorshaheedii waxa lahaa Madaxweynihii iga horreeyey ee geeriyooday,” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin, Isaga oo intaa ku daray; “Anigu waan hirgaliyey dimuqraadiyaddii markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore. Maanta waxa taariikh cusub u ah Somaliland; waxaan isleeyahay aniga iyo Axmed laba Madaxweyne oo wax la kala wareegaya ayaannu nahay. Nasiib-darro aniga Madaxweynihii iga horreeyay wuu geeriyooday isaguna markii uu la wareegayey xil uu la wareegay muu jirin. Waxaan leeyahay Axmed-na waxay nasiib wanaag bay u tahay dal dhisan oo nabadda oo isku xidhan oo dadkiisu wadajiraan inuu la wareego.”

Madaxweynihii hore oo ka hadlayey sidii uu hawsha ku bilaabay markii xilka loo cummaamaday, waxa uu sheegay in caalamku ku majeertay Somaliland sidii nidaamka lahayd ee xilkii loo buuxiyay markii uu geeriyooday madaxweyne Cigaal Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, waxaannu tilmaamay inuu hawshiisii ka bilaabay sii adkaynta nabadgelyada dalka, isla markaana u raadiyo dalka qaybtiisii maqnayd [Gobolka Sool].

“Waxaan ku dhaqaaqay markiiba dalalka aynu jaarka nahay inaan tago; Itoobiya ayaan tegay, sababtoo ah nabadda aan gudaha ku haysano haddii ta jaarkeenba lagu kabin waxba ma noqonayso. Waxaan ka bilaabay dalka Jabuuti oo xidhiidhkeenna aad ogaydeen oo uu yara wagash-wagash ahaa. Walaalkay Ismaaciil si fiican ayuu ii soo dhaweeyay, waananu heshiinay, maantana waa kaas wefti uu inoo soo diray inala joogo. Waxa kaloo aan tegay Itoobiya oo aan Ra’iisal-wasaaraha la kulmay, waxaanan culayska saaray in ilaa haddana hayaa inaan kalsooni iyo walaaltinimo ka raadino dalalka dariska ictiraafka iyo haddaynu wax kale raadinaynaba waa inaynu iyaga ka bilownaa, inta kalena way ku xigaan. Maanta waxaan leeyahay taariikhda aynu maraynaa waa meel aad u wanaagsan waa taariikh u baahan in la wada ilaalino oo ul iyo diirkeed noqono, madaxweynaha la doortayna waa in anaynu is-wada barbar taagno, oo la shaqayno oo ku kaalino haddii Ilaahay yidhaa.”

Sidoo kale, Md. Rayaale oo la hadlayey taageerayaasha xisbigiisa ee lagaga adkaaday doorashadii Madaxtooyada, waxa uu yidhi; “Haddii aynu olole ku soo jirnay ololihii wuu dhammaaday, laga bilaabo maantana wada saaxiibbo ayeynu nahay, waxana inoo ballan ah inaynu Somaliland u midowno.”

Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda uu xilka hoggaaminta qaranka Somaliland kula wareegay, ayaa ugu horreyn si weyn ugu mahad-celiyey Madaxweynihii hore iyo marti-sharafta ka socotay dalalka dariska ee ka qaybgalay xafladda dhaarintiisa, isagoo sheegay inuu khudbaddiisa u dhiganayo Arbacada maanta oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqayo shaacinta golaha xukuumaddiisa cusub.

“Waxaan u mahad-celinayaa Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin ee aan xilka kala wareegay, walaalahayaga wufuudda ah ee ka kala yimi dalalka dariska ah. Waxaan mahad u celinayaa weftiga reer Jabuuti ee uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Cabdi Faarax iyo weftiga Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Dirir iyo Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Itoobiya Md. Cabdi Maxamed Cumar iyo weftiga reer Kenya ee uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macallin. Waxaan u mahad-celinayaa Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo labaduba ii soo diray hambalyooyin. Waxaan u mahadnaqayaa beesha caalamka iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diiwaangelintii iyo doorashadii oo ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Maraykanka iyo dawladaha Midowga Yurub. Waxa kaloon u mahad-celinayaa goleyaasha qaranka, axsaabta, saxaafadda iyo madax-dhaqamadeedka Somaliland, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu xilkan noo fududeeyo waxaanan balan qaadayaa inay siday igu doorteen aan hormuud ugu noqdo oo aan u dedaalo horumarkeeda, isla markaana caddaalad ku dhaqo ayaan ballanqaadayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Labada Madaxweyne ee xilka la kala wareegayay waxay salaam sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka Madaxtooyada salaan-sharaf, waxana loo dhigay roogga cas oo ay si wadajir ah iyagoo gacmaha ishaysa ay u tageen barxadda lagu qabtay munaasibadda dhaarinta iyo xilwareejinta.

Ammaanka xarunta madaxtooyada iyo guud ahaan magaalada Hargeysa, ayaa aad loo adkeeyay shalay, waxana la hawlgeliyay ciidamo aad u tiro badan oo isugu jiray millateri iyo boolis ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay munasibad casho-sharaf Hotel Maansoor ugu sameeyey wufuudii u timi xil-wareeginta labada Madaxweyne ee ka kala socday dalalka Kenya, Djibouti iyo Ethiopia iyo masuuliyiin ka kala tirsan saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadda casho-sharafta lagu maamuusayey wufuudaas, ayaa si weyn ugu mahad celiyey masuuliyiinta ka soo qaybgalay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ugu baaqay wufuudii kala duwanayd ee ka soo qaybgashay xafladda xil-wareejinta inay Somaliland ka caawiyaan sidii loogu heli lahaa ictiraaf buuxa iyo horumarka hiigsanayaan, ugana mid noqon lahayd waddamada Afrika iyo IGAD.

“Walaalayaal waxaan mar kale weftiyada nagala soo qaybgalay munaasibadda, waxaannu leennahay madaxdiinii iyo dawladdiinii aad ka timaaddeen, iyagana mahadnaq ballaadhan naga gaadhsiiya, waxaannu marti idiinka nahay idinka oo maanta nagala soo qaybgalay shacabka reer Somaliland iyo dawladdiisuba in aannu helno qaddiyadda uu qarankayagu leeyahay oo ah in aannu helno xorriyad iyo ictiraaf buuxa iyo horumarka aannu xaqa u leennahay iyo inay IGAD albaabadeeda naloo furo iyo in aannu helno in AU-da nagala qaybgasho iyo dunidaba, inaad naga gacanqabataan oo aad noqotaan kuwii taageero isla kaaya garab taaga,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, isaga oo mahadnaq ballaadhan u jeediyey masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ee ka soo qaybgalay xafladii xilwareejinta.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
07/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
07/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
07/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
07/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
07/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
07/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
07/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
07/09/2010 -
Hambalyo Meher
07/09/2010 -
Hambalyo
07/09/2010 -
Musuqmaasuq Hadheeyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
07/09/2010 - Axmed Maxamed Axmed, Hargeysa.
Tacsi Cabdilaahi Askar
07/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002