London (Jam)- Wasiirka arrimaha Afrika u Qaabilsan dawlada Ingiriiska Mr. Henry Bellingham, ayaa qoraal ammaan ah ku sagootiyey madaxweynihii hore ee Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha xisbiga muacaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin oo shalay si rasmi ah u wareejiyey xilkii uu qaranka u hayey.
Dhambaalka mahadnaqa iyo ammaanta ah oo wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriisku uu Rayaale u soo diray maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 26 July 2010 oo nuqul Jamhuuriya xalay heley nuqul ka mid ah, waxa lagu sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland uu dhidibada u istaajiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hano qaaday.
Qoraalka wasiirka Ingiriisku u qoray Guddoomiyaha xisbiga muacaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin oo faahfaahsan waxay u qornayd sidan:
“Adiga oo ka degay madaxaweynenimadii, waxaan qoraalkan kuugu soo qorayaa inaan kuugu mahadnaqo waxyaabihii aad u qabatay Somaliland, waanad ku mahadsan tahay wax kasta oo aad ka gaysatay sidii loo hurumarin lahaa xidhiidhka xooggan ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska.
Muddadii aad xilka haysayna waxa sare u kacay sumcaddii Somaliland, iyada oo noqotay goob lagu majiirto xasillooni iyo dimuqraadiyad oo ku taal Gobolka Geeska. Aqbalaadaaddii natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyadu waxay muujisay mustaqabalka dhabta ah iyo hawlkarnimada mustaqbalka dalka iyo dadka Somaliland.
Waxaan aad ugu hanwaynahay feejignaantii shakhsi ee aad siisay horumarinta xidhiidhkeena, aniga oo sidoo kale rajaynaya in madaxweynaha ku beddelayna uu sii xoojin doono xidhiidhkaas.
Waxaan jaaniskan kaga faa’iidaysanayaa inaan kuu rajeeyo guul mustaqbalkaaga dambe.”