Hargeysa (Jam)- Dadweynaha ku tukada masaajidka Daarul Qur’aan oo ku yaal xaafadda Xawaadle [bariga garoonka kubadda cagta Xawaadle] ee degmada 26-ka June magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay khaati ka joogaan dhallinyaro ay sheegeen inay isticmaalaan maandooriyayaal dadka ka horjoogsadaan inay masaajidka ku tukadaan salaadda subax, iyagoo ku hubaysan budhadh iyo faashash.
Odayaal iyo dhallinyaro ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadda Xawaadle ee ku tukada masaajidkaas, ayaa sheegay in toddobaadkan gudihiisa masaajidka soo weerareen dhallinyaro sakhraansan oo isticmaalay maandooriyayaal, kuwaas oo dadka u diiday inay masaajidka galaan xilligii salaadda Subax, taas oo walaac wayn ay ka muujiyeen. Waxaanay baaq qaylo-dhaan ah oo ay ku codsanayaan in arrintaas wax laga qabto u direen dawladda, gaar ahaan Madaxweynaha cusub ee la filayo inuu maanta xilka la wareego.
Xasan Aw Daahir Faarax oo ka mid ah dadweynaha masaajidka ku tukada oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa in falkii ugu dambeeyey ee masaajidkaasi lagula kacaa dhacay Jimcihii toddodbaadkan, “Waxaannu doonaynaa in aannu ummadda u sheegno dhibaato soo jiitamaysay iminka aad moodo inay xadkii dhaaftay, taas oo ah dhallinyaro khamri iyo daroogo aad moodo inay meel walba ka helayaan oo dhibaatadii inay suuqyadii iyo guryihii dhaaftay hadda marayso masaajidadii. Masaajidkan aynu joogno oo ku yaal ka soo horjeedka garoonka Xawaadle, ayaa Jimcihii toddobaadkan salaaddii subax laba jeer ayaa weerar ka dhacay oo inta dhallinyaradaasi budhadh iyo faashash soo qaateen ay dadka ka celinayeen masaajidka, taasina waxay ku tusaysaa in khamrigii iyo maandooriyayaashii xadkii ka baxeen, mar haddii ummaddii laga horjoogsanayo inay salaadda tukadaan,” ayuu yidhi Xasan Aw Daahir.
Waxa uu ku baaqay in tallaabo adag laga qaado goobaha iyo cidda iibisa maandooriyayaasha oo sabab u ah in dhallinyaradu ku kacaan falalkaas foosha xun leh, isagoo si gaar ah Madaxweynaha la doortay ugu baaqay inuu qorshayaasha dawladdiisa cusub ku darsado.
“Arrintaasi waxay u baahan tahay in tallaabo laga qaado, mana aha masaajidkan oo keliya ee masaajidka kale ee la yidhaa Ibnu Qayim isla habeenkaas dhibaatooyin ayaa loo gaystay. Waxaannu doonaynaa in dawladdu tallaabo cad ka qaado meelaha maandooriyayaasha lagu iibiyo si dhallinyarada looga ilaaliyo, mujtamacuna u noqdo mid nadiif ah oo Ilaahay yaqaana. Waxaannuna arrintaa si gaar ah uga codsanaynaa Madaxweynaha cusub ee la doortay inuu qorshayaashiisa ku darsado oo uu Wasaaradda Diinta iyo Caddaaladda u dhiibo dad Ilaahay yaqaan.”
Sidoo kale, Kayse Maxamed Qalloole oo isna ka mid ah dadkii warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dhacdadani muujinayso heerka ay marayaan maandooriyayaashu, “Maanta halkii lagu cibaadaysanayey oo ah masaajidadii Ilaahay ayaa dariiqyadii salaadda subax loo soo marayey noqdeen halis, taas oo fadhiisanayaan dhallinyaro daroogaystayaal ah, waxaana u sahlay inay masaajidada hortooda dadka ku dilaan waxa loo keenay wixii ay ku sakhraamayeen oo ay si fudud u helayaa. Dawladda cusub waxaannu ka doonaynaa in arrintaasi islaamnimadeena kuma bannaanee laga saaro bulsho-weynta dhexdeeda,” ayuu yidhi Kayse.
Oday Cabdikariin Muxumed Ismaaciil oo isagu ka mid ahaa dadkii laga horjoogsaday inay masaajidka galaan Jimcihii toddobaadkan, ayaa ka sheekeeyey sidii wax ugu dhaceen, waxaannu tilmaamay in markii uu damcay inuu masaajidka galo ka horyimaadeen dhallinayaro hubaysan oo ay ka dalbadeen inuu dib uga noqdo masaajidka, basle uu isagu taa diiday, kadibna halkaasi dagaal ku dhexmaray oo uu ka badbaaday in wax khasaare ahi soo gaadho.
“Markii dagaalku na dhexmaray ayaan u cararay dhinaca masaajidka oo aan ka galay, kadibna iyagoo i eryanaya ayey masaajidka soo galeen, markaas ayaa masaajidka dhexdiisa la isku qabsaday,” ayuu yidhi Cabdikariin Muxumed Ismaaciil.
Ugu dambayn, Khadar Maxamed Muuse oo ka mid ah dhallinyarada xaafaddaas, ayaa sheegay in arrintan ay sabab u tahay iyadoo maandooriyayaasha uu khamrigu ka mid yahay xarumo lagu iibiyo laga dhex sameeyey xaafadaha dhexdooda, taas oo dhallinyarada aadka u yar yar si fudud u heli karto.
“Meelaha qaarkood waxa la sheegayaa sida jidka suuqa Idaacadda dhexmara habeenkii 9:00 wixii ka dambeeya dhallinyaro maandooriyayaal soo cabtaa intay istaagto ay basaska, baabuurta kale iyo dadka ku baadhaan, iyagoo sita tooriyo, faashash iyo budhadh, waxaannu codsanaynaa in nabadgelyo-darradaa khatarta ah ee runtii jiritaankeenii Somaliland-nimo jirayn dawladdu wax ka qabato oo saldhigyada boolisku iyagoo bulshada la kaashanaya in gacan wax lagaga qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Mr. Khadar Maxamed.