Ugu horayn inta aanan u gondo dagin dulucda iyo ujeeddada warqaddan furan, waxaan salaamayaa dhammaanba shucuubta islaamka ah meel kasta oo ay joogaanba.
Intaa kadib haddaan u soo noqdo dulucda iyo ujeeddada waqaddan furan ee ku socota duqa caasimadda Hargeysa.
Mudane Guddoomiye, kolka hore waxaad tahay maayarkii ugu muddada dheeraa ee soo mara magaalada Hargeysa, isla markaana ugu waxqabadka badnaa dhinac kastoo laga eegaba, haddii aan laga hadlayn naxli iyo ujeeddooyin kale. Waxaad timi Hargeysa oo leh afar waddo oo keli ah (4), maantana ninkii soo jeeda ee Hargeysa joogaa maaha mid loo tirin karo waddooyinka aad ku soo kordhiseen caasimada adiga iyo golahaaga deegaanku muddadii aad xilka hayseen.
Waxaad timid Hargeysa oo xoolaha lagu dhex qalo xaafadaha iyo goobtii aadka u nadaafadda xumayd ee loo yaqaanay xero-dhiigtii hore ood la socoto sida hadda looga faa’iidaystay iyo waxbarashada ka socota bilicda iyo nooca ay u egtahayba.
Waxaad timi xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo gooba hadduu ku yaalo dhismaha quruxda badan ee uu dhexyahay hoolka shirarka ee golaha deegaanku ay tahay geerash iyo meel ay Eydu u hoyato.
Waxaad timi Hargeysa oo leh saddex sariibadood oo keli ah, wakhtigan xaadirka aha waa lala socdaa xaaladau sida ay tahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah haddii aad u gacan bannaanaan lahayd oo aanay jiri-lahayn duruufo iyo turunturooyin badan oo laguu dhigay muddadii aad xilka haysay in aad Hargeysa gaadhsiin lahayd meesha ay hada joogto meel ka sii horreysa ama ka fiican.
Run ahaantii waa wax cad oo waadax aha dhammaan waxyaabahaasi aan soo sheegay ee aan kor ku soo xusay, waana ammuuro ay taariikhdu qori doonto laguguna xasuusan doono maalin maalmaha ka mid ah marka aad ka tagto xafiiska mayarnimada ee Hargeysa.
Waxa iyana aan la dafirikarin oon meesha ka madhnayn guryaha aadu suurtogalisay dhismahooda dadka danyarta ah ee kana soo laabtay qaxoontiyada adigoo kaashanaaya Illaahay, kana maalgaliyey hay’adaha shisheeye ee waddanka jooga. Run ahaantii maaha wax qabadkaagu mid lagu soo koobi karo qalin iyo warqad lagu qoro, balse sidii aan horeba u soo xusay taariikhda ayaa xusi doonta waxaad soo kordhisay. Waxa iyana aan meesha ka madhnayn sida aad u habaysay xashiishkii magaalada buux dhaafin jiray oo aad ku wareejisay dad gaar ah.
Haddii aynu eegno mudane maayar ma tihid mid bilaa dhaliil ah ee waxa jira waxyaabo badan oo aanad taabanin muddadaasi dheer ee aad haysay xilka maayarnimo ee Hargeysa, kuwaas oo u muuqda mawjado idin jiidhay ka maamul ahaan aad u maaro waydeen, tusaale ahaan waxaad arkaysaa waddooyinka halbawla ha ee magaalada ku yaal oo uu dhexdooda rushaysanayo nin wata kaaryoone yar oo inta uu dhigto dallaayad dhexdagan waddadii ugu mihiimsanayd magaalada gudaheeda, cid wax ka qabata iyo cid la hadashaana ma jirto. Waxaanad moodaaba in ciidamada booliska ee ka hawlgala dawladda hoose ee Hargeysa uu ka dhexeeyo xidhiidh muglihi, arirntaasi oo jirta sababna ay u tahay askarta oo aan haysan wax ay kaga kaaftoomaan ama ay ku daboolaan baahiyahooda nololeed, arrintaasina sabab u noqoto in gaadiidkii u kala gooshayay magaalada gudaheeda ay waayaan meel maraan, waddadiina sidaasi ay ku xidhanto, iyada oo taasi dhaliso inay istaagaan hawlihii qaranka iyo kuwii dadwaynuhuba. Xaajadaasina waa mid u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka soo daraysa oo aan ka soo rayn lahayn maadaama ay magaalada dadku aad ugu soo guurayaan, waxaa kale oo jirta hadii aad tagi lahayd meelaha ugu dhaw xafiiskaaga tusaale ahaan Masjid-jaamaca weyn ee Hargeysa oo la odhan karo waa meesha qudha ee maamulkaagu uga daray iyadoo aad arkayso in si xaaraan ah loo boobay hareerihiisa. Qiso ayaaba kuu kordhi lahayd dhibaatada ka taagan goobtaasi aan kuu sheegay hadaad aragto.
Masaajidka hareerishiisa waxa ka samaysan meelo qaadka lagu gado iyo maqaaxiyo yaryar oo ay haystaan gabdho yaryari, halkaasi oo ay habeenkii isugu yimaaddaan wiilasha basaska yaryar ee caasiyada dirawalada ka ah, waxaana ka dhacda meeshaasi masiibo aynaan hore u arag.
Haddaba, waxaan talo ahaan kuu soo jeedin lahaa maayar IIlaahay kaga baqo masjidka, cidna ha u danayn in uu dhaqaale ka soo galo, hakuna daryeelin dad gaar ah ee ka rar dadka dagan duruuf kasta oo ay kula martaba. Dhinaca kale waxa ka-ag dhaw xafiiskaaga, kaas oo ku yaal meel ahaan u jirta 300m, halkaasi oo aad is odhan karto waa bahalo galeen, waana dhinaca waqooyi ee masaajidka ama sii jeedka bari ee Xandule spare parts ama goobta hadda uu ka socdo dhismaha dib loo habaynayo.
Sidaa darteed, muddadii aad joogtay xafiiska maayarka Hargeysa wixii aad qabatay waxay u muuqdaan sida cadceedda sidii aan horeba u soo sheegayna taariikhda ayaa qori doonta waxa aad tahay, reer Hargeysana inta aan aragi maalin dambe ayay arki doonaan, waxyaabo badan oo kaa hoosayna waa ay jiraan, waadse dhammayn inta kuu hadhay haddii Illaahay yidhaa. Waxaan ku soo koobi lahaa warqaddan furan tigaadi iyadaa laacdee cid kastaa waa u jeedaa waxqabadkaagii sideeda sanadoon ee dhammaaday!!!
Faysal Ismaciil Barre (Toosh), Hargeysa. tel 4422092—4099511.