WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Tifaftiraha Majallada Somali Eye oo ka Xog-warramay Aragtidiisa Xaaladda Somaliland

Hargeysa (Jam)- Mr. Khadar Cabdillaahi Dirir oo ah tifaftiraha majallada Somali Eye ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo muddo 21 sanno ah degganaa dalkaas, balse dhawaan dalkiisa hooyo yimi, ayaa ka xog-warramay aragtidiisa ku wajahan xaaladaha kala duwan ee dalku marayo sida nolosha, dhaqaalaha, diiwaangelinta, siyaasadda iyo arrimo kale.

Mr. Khadar Dirir oo xalay xarunta Jamhuuriya soo booqday, ayaa sheegay in sannadkii 2004-tii mar uu yimi dalka waxyaabo badan oo jiray ay isbeddeleen, isla markaana uu isbeddel uu arkay nolosha oo aad u adkaatay, shaqo la’aanta oo sii badanaysa, taas oo keentay in dhallinyaradii aad u tahriibaan iyo dhinaca kale horumar laga sameeyey dhinaca dib-u-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadda oo barbar socda.

“2004-tii markaan imi iyo iminka farqi weyn baa u dhexeeya, berigaa dadku yididiilo fiican bay lahaayeen, haddase waxaad moodaa in yididiiladoodii yaraatay, waxa moodaa in dhinaca nolosha marba marka ka dambaysa ka sii daciifayo, sida dhaqaalaha oo hoos u sii dhacaya, sicir-bararka oo kor u sii kacaya, shaqo la’aanta oo ah dhibaatada ugu weyn, taas oo saamayn xun ku yeelatay dhallinyarada, tusaale ahaan wiil 22 jir oo meel shaah ku cabaya ayaan la sheekaystay waxa uu ii sheegay inuu Ceerigaabo ka yimi oo uu Hargeysa yimi, kadibna Jabuuti buu tahay wuxuuna ka soo noqday xadka Jabuuti iyo Eratariya. Markii aan weydiiyey waxa ilaa intaa kelifay wuxuu igu yidhi maxaan qabtaa 22 jir baan ahay aan muruqiisa maaline. Maaha wiilkaas oo keliya ee Somaliland da’da 15-ka ilaa 30-ka waxay qabtaan ma jirto. Dhallinyaradii tahriib xoog leh ayey ku jirtaa oo dhibtiisa leh, ciil may qabeen haddii marka ay Yurub galaan la soo dhaweynayo sidii berigii hore, laakiin maanta qofku sharci, meel uu dego iyo cunto toona helimaayo.

Waxa laga yaabaa in dalka shaqooyin badani yaalaan, laakiin dadka bixiyaa ay ku bixinayaan garasho, xigtaysi iyo wax la mid ah, taasina waa dhibaato,” ayuu yidhi Mr. Khadar Cabdillaahi Dirir

Dhinaca kale waxa uu sheegay Mr. Khadar inuu jiro horumar badan oo laga gaadhay dhinacyada nabadgelyada, dib-u-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadda.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dhinaca kale waddanku wuu socdaa oo nidaam baa jira, dawladda dhaliilo badan baa loo jeediyaa, laakiin waxyaabo badan ayey qabatay. Waxa jira warshado fara badan oo wax-soo-saar oo dalka ku soo biiray, magaalooyinkii way fidayaan oo aad buu dhismihii uga socdaa. Dhinaca dimuqraadiyadda Somaliland maanta waxay maraysaa meel la leeyahay maaha wax badan ahay ee ah maxaan qaban karaa, maanta diiwaangelintii bay ku jirnaa oo qof kasta oo reer Somaliland ahi muwaadinimo ayuu dareemayaa. Anigu waxaan doonayaa hadda in aan tago Gobolka Sool, maadaama gobolladii kale iga hordhamaadeen. Waa tallaabo weyn oo hore loo qaaday oo aan ka dhicin bariga Afrika oo dhan, waxay yidhaahdaan reer galbeedku hadda rajada qudha ee ka dhalanaysa bariga Afrika waa Somaliland.”

Mr. Khadar waxa uu tilmaamay in nolosha adag iyo dhaqaalo la’aanta dalka ka jirtaa ay bulshada dhaxalsiisay inay ku noolaadaan dabaqado kala duwan oo ah mid dadka qaar nolol fiican ku noolyihiin oo ay hudheelada waaweyn fadhiyaan iyo mid aanay dadka qaar bariisba helin.

Mr. Khadar waxa uu si kulul u dhaliilay qurba-jooga reer Somaliland, gaar ahaan Ingiriiska oo uu sheegay in dadka qurbaha joogaa aanay ka qaadan kaalintii looga baahnaa ictiraaf raadinta, isaga oo ku tilmaamay in aan daacad laga ahayn.

“Qurba-joogga haddaanu nahay wax allaale waxaanu ka qabano ictiraaf raadinta ma jirto ee waabaanu aasnaa, iskaba daa ictiraaf raadine, markaanu halkan nimaadnana waxaanu nidhaa ictiraaf baanu raadinaa. Jaaliyadaha dalka ka jiraa aad bay u badan yihiin dadka hoggaamiyaana waa wada reer waqooyi, haddana qof keliya oo ku qortay Somaliland ma jiro, marka laga yimaado inan Iid la yidhaahdo,” ayuu yidhi Mr. Khadar Cabdillaahi Dirir.

Majallada Somali Eye oo uu tafaftire ka yahay Mr. Khadar waxa mar uu ka hadlayey sababta ku keliftay inuu soo saaro majalladaas uu sheegay inay xooggga ku saaraan arrimaha bulshada qurba-jooga ah ee dhinacayada waxbarashada, caafimaadka, isdhexgalka bulshooyinka iyo dhibaatada soo waajahda dhallinyarada Soomaalida ah, gaar ahaan dilalka loo geysto, isla markaana loo ogaado horumarka dadka Soomaalida ahi samaynayaan.

Ugu dambeyntii Mr. Khadar waxa uu dawladda iyo bulshadaba u soo jeediyey talooyinkan, “Bulshada Somaliland waxaan u soo jeedinayaa meel fiican baynu maraynaa, waxaynu nahay horyaalka soomaaliyeed ee yeynaan dib u noqonin, dawladda midh baan leeyahay, dawladey wax badan baad samayseen laakiin waxa idinka dhiman arka, shacabka waxaan leeyahay dawladda uun wax haka sugina ee idinku wax qabsada, axsaabtana mid baan leeyahay, axsaabey wuxuun baad dhaliishaane maxaad idinku qabataan, shacbiga qurba-jooga ahna waxaan leeyahay waar been ha u sheegin dadkiinee ictiraaf raadiya oo ka daaya khiyaamadda waddankiina ee intaad timaadaan aad doonaysaan in aad gurigaaga laba toddobaad ku dhisataan,” ayuu yidhi Mr. Dirir.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Madaxweyne; Waxaad Dhistay Xukuumad ka Kooban QARAN iyo Qurba-joog
28/07/2010 -
Aragtida Beesha Toljecle ee Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay
28/07/2010 -
Beesha Bariga Sanaag oo Hambalyeysay Xukuukada Cusub ee Axmed Siilaanyo
28/07/2010 -
Goormaa Kuugu Dambeysay A.A Geeljire iyo Maqaalkiisi Daljire?
28/07/2010 -
Tallo Bixin ku Socota Dawlada Cusub
28/07/2010 -
Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June
28/07/2010 -
Waddada Hormarta Madaxtoooyada oo Markii ugu Horreysay Loo Sameeyey Laambado Laydh, Lagana Asturay Bilic Xumo ku Xeernayd
28/07/2010 -
Warqad Furan: Waxay Indho Arkan Bay Ilko Gooyaan!
28/07/2010 - Faysal Ismaciil Barre (Toosh), Hargeysa.
Bayaankii Tolka ee Gatineau
28/07/2010 -
Yaan la Dayicin Doorka Dumarku ku Leeyihiin Dawladda Cusub
28/07/2010 -
Madaxweyne; Waa Wakhtigii Shacabka Dayaxa la Geyn Lahaa!
28/07/2010 -
Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey Murashaxii (UDUB)
28/07/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002