WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Wasiirka Warafaafinta Jabuuti iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Booqasho ku Tagay Gobolka Gabiley

Gabiey (Jam): - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee xukuumada Jabuuti Md. Cali Cabdi Faarax iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay xarunta Gobolka Gabiley ee Gabiley.

Wasiirka iyo waftigiisa reer Jabuuti oo socdaalkoodan Gabiley ay ku wehelinayeen Gudoomiyayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku-xigeenkiisa Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xubno ka mid ah labada gole baarlamaan, iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waftigan Jabuuti ayaa booqashadoodan ugu kuur galay xaalada guud ahaaneed ee Gobolka Gabiley oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan oo reer Jabuuti ah, iyaga oo booqday dhawr goobood oo ay ka mid tahay Jaamacada Timacadde ee Gabiley.

Waxa weftiga reer Jabuuti uu warbixino kala duduwan kaga dhagaystay badhasaabka gobolka Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) iyo Guddoomiyaha Jaamacada Gabiley Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan.

Kormeerkan waftigaasi ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay u indho indhayn lahaayeen xaalada guud ee Gobolka Gabiley, gaar ahaan Jaamacada Gabiley oo ay doonayeen inay ogaadaan halka ay marayso si ay uga qaybqaataan dhismaha iyo dhamaystirka Jaamacadaasi iyagoo socdaalkooda subaxnimadii saaka kasoo bilaabay magaalada Hargaysa ee Caasimada Dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay ugu horayn kormeerkooda kusoo bilaabeen Jaamacada Abaarso (Abarso Technology University, iyadoo halkaasi uu warbixin kooban ku siiyay Gudoomiyaha Jaamadaasi iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise.

Dhismaha Dugsiga Sare ee Timacadde oo loogu talo galay in loo wareejiyo jaamacada Gabiley ee Timacadde ayay waftigu booqashadooda kusoo mareen, iyadoo halkaasina uga warameen Badhasaabka Gabiley Maxamed (Xabiib) iyo Gudoomiyaha Jaamacada Timacade Dr. Cismaan Yuusuf Magan iyagoo labaduba tibaaxay taariikhdii dahabiga ahayd ee dugsigaasi ku lahaa waxbarashadii dawladii soomaaliya iyo masuuliyiinta waftiga la socday badankoodu wax ku soo barteen dugsigaasi oo qalax la odhan jiray

Badhasaabka ayaa waftiga uga waramay dugsigani iyo waxa hada loogu talo galay inuu noqdo isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi "Dugsigani waa dugsi ay aqoonyahanada maanta halkan inala socda badankoodu kasoo bexeen, goobtan waa dugsigii sare ee Timacadde oo aanu jaamacada usoo rari doono marka uu dhamaystirmo dhismaha dugsiga sare ee loogu talo galay in kan loo raro oo hada jaamacadu kusii dhigato, waana kaa dugsigu quruxdiisa iyo barxada uu haysto, incha allah isagoo jaamacadu ku jirto oo wax lagu dhigtona waad soo booqan doontaan, waftigani baladhan ee wasiiradu hogaaminayaana waxaa leeyahay si balaadhan oo heer qaran iyo heer gobolba ah ayaan wadanka idiinku soo dhawaynayaa, intaas ayaanu illaa hada wax ka qabanay dee inaad idinkuna waxaad qaban karaysaan nala qabataan waan idin soo dhawaynaa, waanad ku mahadsan tihiin booqashada aad noogu timaadeen iyo sida aad noo sharafteen. insha allah waxaan rajaynaynaa reer Gabiley ahaan inay qiimo gaar ah noogu fadhido macne wayna noo samaynayso booqashada aad noogu timaadeen, xidhiidhkeenuna wuu sii libilaabmi doonaa haddii alle yidhaa."

Waftiga Wasiirada Jabuuti intii ay ku jireen jaamacada Timacadde waxaa warbixinta jaamacada oo kooban siiyay Guddoomiyaha Jaamacada Timacadde Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan oo si kooban uga waramay marxaladihii kala duduwanaa ee jaamacadaasi soo martay, isagoo sheegay in jaamacadu ay marayso sanad oo ardaydii fasax gashay dhawaan loona baahan yahay in jaamacada loo raro dhismhihii Dugsiga sare ee socdaalka kusoo mareen, tusayna dhismaha ay hada ku jiraan oo intiisa badani qabyo tahay iyo in dhismahaasi loogu talo galay dugsiga sare ee Qalax oo halka ay hada ku dhigtaan loo rari doono jaamacada.

Dr. Magan waxaa kale oo uu waftigaasi u sheegay in dhamaystirka dhismahan qabyada ahi yahay iyadoo la dhamaystirayo dhismihii jaamacada maadaama kaasi dhamays tiran yahay isagoo waftiga wasiirada ahna ka codsaday inay kala qaybqaataan dhamaystirka jaamacada oo ay rajaynayaan inay sanadkan ku wareegaan goobta dugsiga sare yahay.

Waftiga oo Qado sharaf loogu sameeyay tuulada Ceel-giniiseed ee ka tirsan degmada Gabiey ayaa waxaa uu wasiirka Warfaafinta DJabuuti oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay Balan qaaday inay dhamaystirka dhismaha jaamacada iyo agabka kale ee jaamacadu u baahan tahayba kala qaybqaadan doonaan, isagoo wasiirku ka waramay booqashadiisii uu ku soo maray jaamacada iyo goobaha kale ee ka tirsan gobolka Gabiley sheegay inay aad u farxad galisay quruxda dhulka, aadna uga mahad celiyay badhasaabka iyo Gudoomiyaha Jaamacada warbixinaha kala duduwan ee ay ka siiyeen dhulkii uu soo maray.

Dhinaca kale wasiirku waxaa uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay masuuliyiinta baarlamaanka Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye ee waftigaasi hor kacayay isagoo Somalilanda ugu hambalyeeyay xil wareejintii nabad galyada ahayd ee ka dhacday.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamuud C/laahi (Cirro) oo masuuliyiinta waftigaasi uga mahad celiyay booqashada ay kusoo mareen gobolka Gabiley isagoo dawlada Jabuutina uga mahad celiyay waftiga ay usoo dirtay xil wareejinta isagoo sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ka dhexeeyo xidhiidh diblamaasiyadeed.

Booqashada wasiirada Jabuuti ayaa daba socotay safar ay badhasaabka gobolka iyo Gudoomiyaha jaamacada Gabiley horaantii sanadkan ku tageen dalka Jabuuti halkaasi oo ay kulamo kala duduwan la sameeyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada Jabuuti, ganacsato iyo jaaliyada reer Gabiley ee dalka Jabuuti oo ay kala yimaadeen balanqaadyo faro badan oo qayb ka ah dhamaystirka ddhismaha jaamacada Gabiley iyo barnaamijyada horumarinta ee ka socday gobolka, tanina waxay daba socotaa safarkaasi hore waxaanay ku dhamaatay guul iyo jawi qurux badan.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
07/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
07/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
07/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
07/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
07/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
07/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
07/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
07/09/2010 -
Hambalyo Meher
07/09/2010 -
Hambalyo
07/09/2010 -
Musuqmaasuq Hadheeyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
07/09/2010 - Axmed Maxamed Axmed, Hargeysa.
Tacsi Cabdilaahi Askar
07/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002