WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Madaxweynaha Cusub oo Walaac ka Muujiyey Dayn Fara Badan oo Maamulkii Rayaale ka Tegay

Axmed-Siilaanyo oo kKhudbaddiisii u horreysay intii xilka loo dhaariyey ku soo bandhigay arrimo xaasaasi ah:

- Tirtirista Guddiyada Nabadgelyada iyo saamaxaadda maxaabiista u xidhan

- Caqabadaha adag ee horyaal xukuumaddiisa cusub

- Xaaladda ammaanka guud, dhaqaalaha, arrimaha dibadda iyo qodobo kale

“Qarankan aannu taladiisa haaneednay, maanta habayaraatee ma jiro wax adduun ah oo aannu khasnaddiisa ugu nimi oo way madhan tahay…. Culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara in dhakhso loo bilaabo meel-marinta ballanqaadyadii barnaamijkayaga ku xusnaa”

Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay walaac ka muujiyey dayn aad u faran badan oo maamulkii uu xilka kala wareegay ee Rayaale kaga tegay, kaasoo uu sheegay inuu caqabad ku noqon karo geeddi-socodka hammiga waxqabad ee xukuumadda cusub higsanayso.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaa kaga dhawaaqay khudbaddiisii u horreysay ee uu shacabka u jeediyo intii loo dhaariyey xilka oo uu shalay ka jeediyey xarunta Madaxtooyada, taas oo uu ku shaaciyey liiska magacyada wasaaradaha iyo wasiirrada xukuumaddiisa cusub oo ka kooban 20 wasiir iyo 6 wasiir-ku-xigeen.

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu caddeeyey haba yaraatee in aanay jirin wax adduun ah oo uu kula wareegay khasnadda dawladda, taas beddelkeedana dawladda lagu leeyahay dayn faro badan oo maamulkii ka horreeyey ka tegay, isla markaana shaqaale-waynaha Somaliland leeyihiin mushahaarooyin fara badan, arrintaas oo uu xusay inay inay dabri karto geeddi-socodka maamulkiisa iyo meel-marka ballanqaadyadii uu hore ula galay shacabka soo doortay.

“Walaalayaal, Eebbe mahaddii, maansha Allee meel xun ma joogno, waayo waxaynu nahay qaran madaxbannaan oo nabdoon, isla markaana leh maamul iyo kala dambayn. Haseyeeshee, xukuumaddan aan gadhwadeenka ka ahay ee aan weli la gardaadin waxa ku hor goglan dhibaatooyin aan tiro iyo xaddi lahayn, kuwaas oo ay lafdhabar u yihiin dhaqaale xumo, maamul xumo iyo nabadgelyo xumo meelaha qaarkood ka jirta.

Qarankan aannu taladiisa haaneednay, maanta habayaraatee ma jiro wax adduun ah oo aannu khasnaddiisa ugu nimi oo way madhan tahay, waxa taas ka sii daran waxa lagu leeyahay dayn fara badan, iyadoo aan muddana la bixin gunnooyinkii iyo mushaharooyinkii shaqaalaha. Culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama labadibleyn kara in dhakhso loo bilaabo meel-marinta ballanqaadyadii barnaamijkayaga ku xusnaa.”

Waxa kaloo Madaxweynuhu uu hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan shacabka Somaliland, ciidammada qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo waliba masuuliyiinta axsaabta siyaasadda ee kula tartamayey doorashadii madaxtooyada. “Waxaan marka hore hamblayo u dirayaa masuuliyiinta xisbiyada, Komishanka Doorashooyinka, ciidammada iyo shacbi-waynaha reer Somaliland oo la’aantood aynaan gaadhneen halkaynu maanta taagannahay. Waxaan walaalayaal idinka codsanayaa in ay meel iska dhigno xurgufihii siyaasadeed ee wakhtigii lagu jiiray ololaha, waxaanan ballanqaadayaa in aan fuliyo oo aan ka dhabeeyo ballanqaadyadii aan hore u galay,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Md. Siilaanyo waxa kaloo uu sheegay in dhinaca gobollada bariga ay dalka kaga furan yihiin colaado, kuwaasoo uu tilmaamay inay yihiin xaalado iyaguna caqabad ku noqon kara geeddi-socodka maamulka xukuumaddiisa, waxaannu Ilaahay uga baryey dhammaanba ummadda Somaliland inay ku noolaadaan badhaadhe iyo guul.

Dhinaca kale, khudbadda Madaxweyne Siilaanyo ku furay magacaabista golihiisa wasiirrada oo ahayd mid dheer, waxa uu kaga hadlay arrimo aad xaasaasi u ah oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, dibadda, dhaqaalaha, caddaaladda iyo dhismaha xukuumaddiisa cusub.

Khudbaddaas oo dhammaystirana waxay u qornayd sidan:

“Gogol-xaadh

Alxamdullilaahi Rabbil caalamiin, Ilaahaybaa mahad leh, Ilaaheenna weyn baa mahad leh. Walaalayaal, waxa hubaal ah in aynu qaran ahaan guul weyn gaadhnay, waxa hubaal ah in ay guushaasi qayb ka tahay nolosheenna ummadnimo iyo sooyaalkeena taariikheed.

Waxaynnu guushan gaadhnay innagoo isku duuban oo qaran midaysan ah, sidaa awgeedna waa libin dalkeenna u soo hoyatay oo aan cidna goonni u ahayn. Shaki kuma jiro inaynu xaqiijinnay rukun muhiim ah oo ka mid ah yoolkii iyo himilooyinkii aynu hiigsanaynay, waxa la inoo qirsan yahay maanta inaynu rumaynay hankeenii ummadnimo iyo haybaddeenii qarannimo.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

isu-samirkii iyo isu-dulqaadashadii aynu kaga soo gudubnay duruufihii adkaa ee ina soo waajahay, waxay daliil cad u yihiin bisaylka iyo qaangaadhnimada siyaasadeed ee aynu leenahay, taasoo aan ku tilmaami karo in ay bud-dhig u tahay guushan aynu gaadhnay.

Waxaan si niyadsami leh shacbigayga ugu ammaanayaa, iyagoo ku kala qaybsanaa taageeridda axsaabta, haddana sidii geesinimada iyo garashada badnayd ee ay u wada ilaaliyeen danta guud iyagoo isku duuban, haatanna waxaan dhammaantiin marti idiinka ahay inaynu dhayno boogaheenii hore, xurgufihii iyo xanafihii doorashooyinkana aynu xalay dhalay ka noqono.

Walaalayaal, waxaan la dafiri karin in Somaliland u oommanayd isbeddel, isbeddelkuna kama yimaaddo oo keliya xagga sare ee waxa uu ka yimaaddaa min qof, qoys ilaa qaran. Maanta waxaynu u taagannahay inaynu isbeddelkaas, rajadii laga qabay rumayno innagoo isku duuban, anigana maanta waxa iga go’an oo aan guntiga u xidhay inaan meel mariyo rabitaankiinna runta ah, la’aantiinna suurtogal iima aha.

HAA… Waxaan ku kalsoonnahay in aynu ka dhabayn doono rajada shacbigeennu isbeddelkan ka naawilayaan.

Walaalayaal, gacmo wadajir bay wax ku gooyaan, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in aynu u midowno oo aynu meel uga soo wada jeesanno hoggaaminta, horumarinta iyo dhismaha qarankan curdinka ah. Si aan hayaanka beelweynta Somaliland uga tallaabiyo jidka dheer ee sugaya, waxaan ku kalsoonahay inaad igu gacan siin doontaan gudashada xilka aad ii igmateen.

Duruufaha maamulkayga cusub ku xeeran

Walaalayaal, Eebbe mahaddii, maansha Allee meel xun ma joogno, waayo waxaynu nahay qaran madaxbannaan oo nabdoon, isla markaana leh maamul iyo kala dambayn. Haseyeeshee, xukuumaddan aan gadhwadeenka ka ahay ee aan weli la gardaadin waxa ku hor goglan dhibaatooyin aan tiro iyo xaddi lahayn, kuwaas oo ay lafdhabar u yihiin dhaqaale xumo, maamul xumo iyo nabadgelyo xumo meelaha qaarkood ka jirta.

Qarankan aannu taladiisa haaneednay, maanta habayaraatee ma jiro wax adduun ah oo aanu khasnaddiisa ugu nimi oo way madhan tahay, waxa taas ka sii daran waxa lagu leeyahay dayn fara badan, iyadoo aan muddana la bixin gunnooyinkii iyo mushaharooyinkii shaqaalaha. Culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama labadibleyn kara in dhakhso loo bilaabo meel-marinta ballanqaadyadii barnaamijkayaga ku xusnaa.

Si kastaba ha ahaatee, dulucda iyo abbaarta xaaladdeennu waxay salka ku haysaa murtida Soomaaliyeed ee tidhaa; “Ninkii arrinkeena wax kala hadhow qodhaa iyo xeradaa jabtay.”

Waxa naga go’an aniga iyo xukuumaddaydaba in aanu xaalad kasta ku waajahno dedaal, daacadnimo, isku-duubni iyo dulqaad fara badan, si aynu u xaqiijino yoolkeenna iyo hadafka aynu hillaadinayno.

Ammaanka

Dalkeenna Somaliland, gaar ahaan Buuhoodle iyo deegaanno ka mid ah Sool, waxa ka socda shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo ay iskaga soo horjeedaan Ciidammada Qaranka Somaliland iyo malleeshiyooyin ka tirsan deegaanadaas, kuwaasoo haddii aan halkaa lagu demin abuuri kara degganaansho la’aan, taas oo aan cidna dani ugu jirin. Marnaba xal uma arko xabbad iyo dagaal. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqayaa inay xabbadda joojiyaan, sidoo kalena garaadada, cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaannadan shaqaaqadu ka jirto ee haatan ka baxsan xayndaabka maamulka Somaliland, waxaan ugu baaqaya uguna yeedhayaa gogol nabadeed iyo wadahadal, waxana iga go’an in aan si mug leh u galo tabashooyinka siyaasadeed ee jira.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaannu xoogga saari doonnaa adeegyada bulshada, annagoo ka duulayna barnaamijkayagii sida, horumarinta caafimaadka, waxbarshada, biyaha, beeraha, miyiga, ka faa’iidaysiga khayraadka badda, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, daryeelka mujaahidiinta, arrimaha haweenka, bulshada la haybsooco iyo la-dagaallanka saboolnimada.

Waxaan wax ka qaban doonaa daryeelka shaqaalaha dawladda iyo ciidammada dalka, annagoo u samayn doona derajooyin, sidii aannu hore u ballanqaadnay. Waxqabadka xukuumaddaydu ku tallaabsanayso 100-ka maalmood iyo 6-da bilood ee hore, ammase guud ahaanba sida mudnaanta loo kala siinayo waxyaabihii aannu ballanqaadnay, waxa ku ansixin doonna fadhiyadooda u horreeya xubnaha golaha wasiirrada cusub.

Walaalayaal, ilaalinta xuquuqal-insaanka iyo xorriyatal-qawlku waa mabaadi’ida aasaasiga ah ee aynu qarankeenna ku dhisanayno. Ku-dhaqanka dastuurka iyo qawaaniinta dalku waxay xuddun u noqon doonnaan xaqiijinta nidaam xaqsoor leh iyo abuurista jewiga wada shaqayneed oo u dhexeeya hay’adaha dawliga ah.

Arrimaha Dibedda

Xukuumadda cusub waxay ka hawlgeli doontaa sidii Somaliland ugu xidhmi lahayd bulshada caalamka dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgelyada, waxaannu xoogga saari doonnaa sidii aannu dunida ula yeelan lahayn iskaashi buuxa, iyadoo mar walba laga duulayo maslaxadda shacabka Somaliland. Waxaannu xoojin doonnaa baadi-goobka aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho caalamka, waxaannu dardargelin doonnaa xidhiidhka aynu la leenahay waddamada Africa, Europe iyo America.

Dhinaca kale, waxaannu unki doonnaa saaxiibbo cusub oo ay Somaliland yeelato, kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamadda Carabta iyo dalalka ku yaalla qaaradda Eeshiya khaasatan China. Maamulkaygu waxa uu sii xoojin doonaa, isla markaana dhidibbada u adkaynayaa xidhiidhka saaxiibtinimo, ganacsi, nabadgelyo ee aynu la wadaagno dalalka aynu deriska nahay, sida Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya. Xukuumadayddu waxay dawladaha jaarka iyo caalamkaba kala shaqayn doontaa ilaalinta nabadgelyada gobolka iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha xasillooni-darrada iyo budhcad-badeednimada ka wada mandaqadda Geeska Africa. Aad baannu uga xunnahay dhiigga ku daadanaya Soomaaliya iyo shacbiga maalin walba macnaddarada ku dhimanaya. Sidaa awgeed, kooxaha ku dagaallamaya waxaannu ugu baaqaynaa inay dadkooda u tudhaan, xabbaddana wadahadal ku beddelaan.

Dhaqaalaha

Sidii ballanteennu ahayd, hantida qaranku laga bilaabo maanta waxay noqonaysaa mid loogu adeego danta ummadda, ta qaranka iyo horumarintiisa oo qudha, mana noqon doonto mid ku dhacda jeebado gaar ah. Waxa si buuxda u hawlgeli doonna hay’adaha u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka, sida Hanti-dhawrka iyo Guddida Iilaalinta Anshax-wannaagga Dawladnimo, kuwaasoo hawshooda si buuxda ugu madaxbannaan. Waxa agtayda iyo xubnaha xukuumaddaydaba xaaraan ka ah shandad lacag lagu sido oo lala soo weydaarto khasnadda dawladda.

Waxaan dhiirri-gelin doonnaa maalgashiga shisheeye, anagoo u abuurayna jewi iyo qaab ay ku soo hirtaan, waxaan taabbo-gelin doonaa hannaanka dhaqaalaha furfuran iyo suuqa xorta ah, si waafaqsan xeerarka dalka.

Caddaaladda

Caddaaladdu waa aasaaska nabadda iyo horumarka dalka. HAA . . . waanu blalanqaadaynaa inaannu hagaajino caddaaladda annagoo u marayna sifo qaanuunka waafaqsan. Waxaan baabi’inayaa oo waxba kama jiraan ka soo saari doonaa jiritaankii iyo awooddii Guddiyada Nabadgelyada ee sida sharci-darrada ah u fulin jiray xukumada ciqaabta ah. Dhammaan muwaadiniinta u xidhan weji siyaasadeed ee Guddida Nabadgelyadu xukuntay waan cafiyey, xorriyaddoodii ay xaqa u lahaayeenna waan u soo celiyey. Qoraal rasmiya oo aan arrintaas ku sharxayana waxaan u gudbin doonaa hay’adaha ay khusayso.

Dhismaha Xukuumadda

Xukuumadayda waxa sal u ah siyaasad ku qotonta isbeddel dhab ah oo ka turjumaya baahida dalkeennu u qabo dawlad tayo leh oo aqoontu hagayso. Dhismahani wuxuu ahmiyadda siinayaa seeska dawladnimo ee ku fadhiya xirfadda iyo aqoonta ee dalkeennu u baahan yahay. Waxaan maanta soo dhisay gole xukuumadeed oo ka kooban 26 isugu jira wasiir iyo wasiir-ku-xigeenno, taasoo salka ku haysa ballanqaadkii barnaamijka xisbiga KULMIYE. Xukuumaddani waxay noqonaysaa xukuumadihii ugu tirada yaraa ee Somaliland soo mara, waxayna ka ya rtahay xukuumadda xilka lagala wareegay 50%. Xubnaha xukuumaddaydan cusub waxaan ku soo xulay aqoon iyo karti, hal-abuur iyo hufnaan, waxaan rumaysnahay inay ka dhabayn karaan dhaxalka wanaagsan ee aan mala-awaalayo amma maanka ku hayo inaan ummaddan uga tago. Waxaan aaminsannahay in aanay xukuumaddayda ku dhammayn hal-doorkii Somaliland u baahnayd, waxana hubaal ah in aan ka tagay halyeeyo badan oo qarankan abaal weyn ku leh. Muddo badanna aannu soo wada shaqaynay, kuwaasoo aanan marnabana ilaawi doonin qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiin, iyadoo maantana aan ka rajaynayo inay iskey garab taagaan, gacmahana aannu sidii hore isu haysano. Waxa dhab ah sida dhaqanku yahay inaan rag meel kuwada dhammaan, dawladnimaduna aanay ahayn intan oo qudha.

Walaalayaal, waxa muuqata in geeddigu dheer yahay, annaga oo ku kalsoon in aynu wadajir kaga gudbi doono duruufaha culculus ee ina horyaal. Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa shacbiga Somaliland muxaafid iyo mucaaridba inay gacan buuxda igu siiyaan sidii looga midho-dhalin lahaa isbeddelkan, iiguna soo duceeyaan in ilaahay ii fududeeyo xilkan dummadayda saaran.

Ugu dambayntii, waxaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo hawlwadeennadoodii la shaqaynayey ku bogaadinayaa hawshii baaxadda lahayd ee ay qaranka u soo qabteen.

Sidoo kale, waxaan ammaan u soo jeedinayaa asaxaabta qaranka, golayaasha sharci-dejinta, beesha caalamka, saxaafadda, culimada, madax-dhaqameedyada, haweenka, ardayda jaamacadaha iyo dhallinyaradii sida hagar la’aanta ah u soo shaqeeyey.

Ø Allahayow Somaliland bash-bash iyo barwaaqo ka yeel, beladana hareer mari.

Ø Allahayow tubta toosan nagu hanuuni, towfiiqdana na waafaji.

Ø Allahayow bogeenna iyo beerkeenna burcad isu mari,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku soo khatimay khudbaddiisa.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
07/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
07/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
07/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
07/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
07/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
07/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
07/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
07/09/2010 -
Hambalyo Meher
07/09/2010 -
Hambalyo
07/09/2010 -
Musuqmaasuq Hadheeyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
07/09/2010 - Axmed Maxamed Axmed, Hargeysa.
Tacsi Cabdilaahi Askar
07/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002