WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Wasiirka Cusub ee Qorshaynta oo Baaq u Diray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay

Wasiirka oo ka hadlay halka ugu horaysa ee uu ka bilaabi doono hawsha hortaal iyo sida dareenkiisu noqday markii uu magaciisa ku dhex arkay liiska golaha wasiirada

“Xilka culus ee la ii magacaabay waan soo dhawaynayaa. Waxba iskaga hagran maayo in aan intii awoodayda ah ugu shaqeeyo qaranka Somaliland”

“Waxaan odhan lahaa shacabka Somaliland waxa inoo Taal hawl culus oo u baahan in lagaga bixi karo iskaashi iyo in gacmaha la is-qabsado xukuumad iyo shacab-ba”

Waraysi khaas ah; wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa (Jam)- Wasiirka cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magaacabay Wasaaradda Qoryshaynta iyo Horumarinta Somalland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa xukuumadda cusub ugu baaqay inay xidhiidh wada shaqayneed la yeelato dadweynaha si meesha looga saaro kala xidhnaanta dawladda iyo shicibka, lagana wada shaqeeyo horumarinta dalka iyo ka midho-dhalinta masiirka ummadda.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta oo isaga ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska xalay khadka telefoonka ugu warramayey tifatiraha Jamhuuriya Maxamed Cirro, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka wasiirnimo ee loo magaacabay, isla markaana darsi doono halka uu hawsha u horaysa ka bilaabi doono markuu helo warbixinaha masuuliyiinta shaqada uga horreeyay, isagoo xusay inay dalka yaallaan hawlo culus oo lagaga bixi karo iskaashi iyo gacmaha la is-qabadso.

Dr. Sacad Cali Shire oo ugu horreyn ka jawaabay su’aal ahayd siduu u arko xilka loo magacaabay waxa uu yidhi; “Wallaahi; xilka culus ee la ii magacaabay waan soo dhawaynayaa. Waxba iska hagran maayo in aan intii awoodayda ah ugu shaqeeyo qaranka Somaliland.”

Mar wasriika la weydiiyey inuu filayey xilka loo magacaabay iyo wixii uu dareemay markuu magaciisa ku dhex arkay liiska golaha wasiirrada cusub ee Axmed Siilaanyo magacaabay waxa uu yidhi; “Runtii waan filayey in wasiir la iga dhigayo oo kolba waa la ila soo hadlayey igumana cusba oo ku soo boodo igu may noqon xilkan la ii dhiibay, markii aan magacayga ku arkay liiska golaha wasiirradana waxaan dareemay masuuliyad culus oo i fuushay.”

Waxa kaloo wasiirka la weydiiyay halka ugu horreysa ee uu jecel yahay inuu ka bilaabo hawsha Wasaaradda Qorshaynta, waxaannu ku jawaabay; “Kolleyba marka ugu horreysa waxaan jecelahay in aan warbixin ka helo halkay marayso hawsha wasaaradda qorshayntu, markaa kadib ayaan darsi doonaa halka aan hawsha ka bilaabi doono.”

Dr. Sacad Cali Shire oo la su’aalay farriinta uu u jeedinayo shacabka Somaliland, maadaama oo uu ka mid yahay xukuumadda cusub, wuxuu yidhi; “Waxaan odhan lahaa shacabka Somaliland. Waxa inoo taal hawl culus oo u baahan in lagaga bixi karo iskaashi iyo in gacmaha la is-qabsado xukuumad iyo shacab-ba, dadkuna hadday doonayaan horumar iyo barwaaqo waa inay la shaeeyaan xukuumadda ay codkooda ku doorteen, waxaanan jecelahay in dawladdu noqoto mid dadweynaha ka qayb-gelisa horumarinta dalka oo xidhiidh dhow la yeelata, si meesha looga saaro kala qoqobkii iyo isku xidh la’aantii ka dhexaysay dadweynaha iyo dawladda, xukuumadda cusubna waa inay ka shaqayso sidii la isugu soo dhawayn lahaa dadweynaha iyo dawladda oo dhinac loogu wada jeedsado horumarka dalka iyo ka midho-dhalinta himilada ummadda.”

Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire oo hadda ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska, waxa uu sheegay in marka ugu horreysa ee fursad helo uu dalka ku soo noqon doona, isagoo xusay in helitaanka duullimaadyadii diyaaraduhu ku adkaaday, maadaama dad badani ka soo noqonayaan fasaxii xagaaga.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Tacsi : Marxuum C/llaahi Xuseen Dhagoole
08/09/2010 -
Halka Caruurta Somaliland Ka Farxayaan Maalinta Ciida Annagu Ma Haysanno wax Aannu Ku Faraxno’
08/09/2010 -
Illaahay aynu ka baqano, xaqana aynu isku sheegno
08/09/2010 -
Ku: MADAXWAYNAHA SOMALILAND (Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo)
08/09/2010 -
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
08/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
08/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
08/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
08/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
08/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
08/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
08/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
08/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002