WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June

Sida la wada ogsoonyahay doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay Jamhuuriyada Somaliland 26-kii June iyo qaabilaadii natiijadii kasoo baxday waxay muujisay oo ay daaha ka rogtay bislaanta, qaan-gaadhnimada iyo geedi socodka dimuqradiyada aan jogsiga lahayn ee qaranka Somaliland. Taasi waxay farxad, rajo iyo ididiilo cusub galisay umadda reer Somaliland meel walbooy joogto oo dhacdadan taariikhiga ah ku xusay damaashaad. Sidaa daraadeed ayaanu anaguna fursad u siinaynaa dadka reer Somaliland ee dagan London iyo guud ahaan UK inay damaashaadka kala qayb galaan umadooda oo ay iskugu yimaadaan xaflad aad u balaadhan oo ay ku muujiyaan shucurtooda iyo dal jacaylkooda.

Xafladan waxa inagalasoo qayb galli doonaa marti sharaf kala duwan oo ay ka mid yihiin goob joogayaashi caalamiga ahaa ee doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June.

Kasakow taariikhda iyo geedi socodka qaranka Somaliland, waxa barmaamujka qayb ka ah murti iyo maaweelo ay innoosoo bandhiggi doonaan hal abuurkeena iyo fanaaniinteena kala duwan ee rag iyo dumarba leh.

Xafladani waa xaflad bilaash ah oo wax lacag ah lagusoo galeyn, cunto iyo cabitaan-na aad ka helli doontid haddii eebe idmo.

Waxa xafladan si wada jir ah u qabanqaabinaya ururada kala ah: Somaliland Society UK (SSUK), West London Somaliland Community, Somaliland Society Europe (SSE), Somaliland Recognition Action Group, Somaliland Education and Cultural Project, Karin Housing Association, OSCA, Nomad International, TAF iyo Haringey Somali Community and Cultural Association. Waxa kaloo munaasibadan ka qayb qaadanaya safaarada Somaliland ee London iyo xisbiyada qaranka Somaliland ee UK (KULMIYE, UCID iyo UDUB)

Taariikh: Jimce, 30-ka July 2010

Madasha: The Water Lily, 10 Cleveland Ways, London, E1 4UF

Wakhtiga: 5-ta galabnimo (5PM) ilaa iyo 11-ka habeenimo (11pm)

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh dadka kala ah:

Asha Qalib: 07984792116

Fadumo Omar: 07985439605 Email: fadumo_m@hotmail.com

Iid Xasan: 07957758340, email: wlondonsomalilanders@gmail.com

Maryan Osman: 07983470106, email: araweelo2000@yahoo.co.uk

Muuse Boordhaab: 07984939850, email: buurdhaab22@hotmail.com

Suldan Jama: 07960332815, email: aftahan@gmail.com

Yurub Qalib: 079318215364, email: arahyurub@yahoo.co.uk



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Tacsi : Marxuum C/llaahi Xuseen Dhagoole
08/09/2010 -
Halka Caruurta Somaliland Ka Farxayaan Maalinta Ciida Annagu Ma Haysanno wax Aannu Ku Faraxno’
08/09/2010 -
Illaahay aynu ka baqano, xaqana aynu isku sheegno
08/09/2010 -
Ku: MADAXWAYNAHA SOMALILAND (Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo)
08/09/2010 -
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
08/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
08/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
08/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
08/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
08/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
08/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
08/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
08/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002