WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey Murashaxii (UDUB)

Maalinba siyaasiyiintu tay keenaan tii kale ka daran. Sida la wada ogyaha waxaa ismaandhaaf badani ka dhashay oo dad badani isu seegay, mararka qaarkoodna dhiig ku daatay muddo kordhin iyo doorasho shin dhaafta. Af iyo qalinba muddo ayay hadheeyeen warbaahinta, dadka ku muransan muddo kordhintii Madaxweyne Riyaale oo tiraba laba goor shin dhaaftay. Muddo kordhintaa labada goor ahayd sharciga iyo distoorka Somaliland ayaa la waafajiyey oo waxay dadweynihii ku qanceen go'aankii Golaha Guurtida ee distooriga ah, ay ka soo saareen arrinta. Xidhigii qaloocnaa waxay dadweynuhu ku xamileen markii sharciga iyo distoorka lagu qotamiyey.

Haddaba maanta waxaa timid muddo kordhin aan laba sano ahayn ee laba casho oo keliya ah. Way kala baaxad weyn yihiin tiro ahaan iyo cadadka saacadaha. Waxase ay ku kala duwan yihiin mid waa xamil la qaadi koro oo Golayaal iyo shacbi ka taliyeen. Midna waa xadhig qaloocan oo laba shakhsi ku heshiiyeen. Ka loo kordhiye iyo ka u kordhiyey labaduba distoorkii iyo sharcigii way baalmareen, waxay daadufeeyeen wixii la isku ogaa, waxay gaashaanka ku dhufteen go'aankii guddida komishanka ee baalka dahaba loogu tolay habkay wax u maamuleen, waxay baalmareen go'aankii ku dhawaaqista natiijadii codbixinta ee Waaxda garsoorka ee qaranka.

Labada casho wixii lagu kala iibsadey weli mahayno ee bal aan ka wardhawro.

Mushykiladu ma ah saacadaha muddo kordhinta ee dhibaatada ay leedahay wixii aan sharciga waafaqsanayni xagayga balaayo ayuu ka qoran yahay.

huluuq@hotmail.com)

Hamud Duale



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Tacsi : Marxuum C/llaahi Xuseen Dhagoole
08/09/2010 -
Halka Caruurta Somaliland Ka Farxayaan Maalinta Ciida Annagu Ma Haysanno wax Aannu Ku Faraxno’
08/09/2010 -
Illaahay aynu ka baqano, xaqana aynu isku sheegno
08/09/2010 -
Ku: MADAXWAYNAHA SOMALILAND (Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo)
08/09/2010 -
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
08/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
08/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
08/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
08/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
08/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
08/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
08/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
08/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002