WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND
Home

Somaliland

Geeska Afrika

Caalamka

Ciyaaraha

Dhaqaalaha

Waxbarashada

Faallo

Opinion and Articles

Interviews

Faanka iyo Suugaanta

Ogeysiis

Hambalyo

Tacsi

The Republican

Advertisement

Contact Us

Doorashada Wakiilada

 

Yaan la Dayicin Doorka Dumarku ku Leeyihiin Dawladda Cusub

Waxa la isku raacsan yahay in haweenku yihiin kuwa ugu badan Somaliland, waana tiirarka bulshadu ku taagan tahay. Haweenku waxa kale oo ay kaalin weyn ka qaataan harumarinta dalka, waayo iyaga ayaa quudiya guryo badan oo masuuliyaddii hooyadnimo iyo tii aabbanimaba degta saartey, iyadoo aynaan qoraal ku soo koobin karin qiimahooda, ayaa haddana dawladdii hore aanay siin kaalintii ay siyaasadda ku lahaayeen.

Haddii aynu eegno dawldadii Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur) iyo tii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, labadoodaba Allaah ha u naxariistee haweenku gebi ahaanba kamay dhex muuqan talada dalka, sababta ka horistaagtay oo ahayd waxa wax lagu qaybsan jiray nidaam ku dhisan beel, kaas oo dumarka daaqadda ka saaray.

Dawladdii hore ee Rayaale si cad ayey uga gaabsatay inay haweenku saamigii ay ku lahaayeen golaha wasiirrada helaan, iyagoo bilawgii lahaa laba wasiir, laakiin markii dambe hal wasiir laysugu koobay, taas ayaannu filaynaa in ay riday dawladdii hore, waayo haweenku waa kuwa ugu badan ee codeeya.

Al-xamdullilaahi waxa inoo dhalatay dawlad aynu innagu dooranay una ragnay tii inoo dan ahayd, waxaan Alle ka baryaynaa inuu xilka u fududeeyo kana dhigo kuwii loo aayo.

Haddaba; waxa jirta in dhawaan lagu dhawaaqidoono goolihii wasiirrada, markaa mudane madaxweyne haddaannu nahay haweenka waxaannu kaa codsanaynaa inaad golaha wasiirrada si weyn ugu soo darto dumarka. Waxaannu leenahay markii ololaha la lahaa dumarka ayaannu wax u qabanaynaa, yaanay noqon awrkayaga aayaannu kugu kicisanaynaa oo keli ah ee ha laga dhigo mid dhab ah oo haweenku ka muuqanayaan.

Madaxweyne; waxaan kaaga fadhinaa inaad oofiso ballanqaadkii aad ku soo bandhigteen barnaamijkiinii ee ahaa in dumarku wax walba 25% ku yeeshaan, sidaa daraadeed waxaannu sugaynaa in 25% kii ugu horreeyey aannu ka helno wasiirrada cusub ee aad magacaabayso, taasoo u dhiganta 3 amma 4 wasiir. Haddii mudane madaxweyne aad taas fuliso tallaabada ugu horreysa waxa laga arki karaa inaad ballanqaadyadaadii oo dhan fulinayso.

Mudane madaxweyne; waxaannu leenahay dumarku way gaadheen xilligii ragga wax la qaybsan lahaayeen, wax ayay barteen. Waxa jira dumar waxbartay oo qaarkood sitaan shahaadooyin sare iyo qaar khibrad iyo waayo-aragnimo ka badan leh ragga qaar xilal qabtay oo hanan kara xil walba oo aad u dhiibto. Waxa kaloo la ogaaday in dumarku ragga xagga shaqada uga daacadsan yihiin oo ay fulin karaan talada ay soo jeediyeen guddidii talo-bixinta xukuumadda cusub ee ahayd in la shaqeeyo 7-da subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo. Waxaannu hubnaa dumarka oo keliya taa ay fulin karaan halka laga yaabo in raggu dhuuntaan oo ay ka baxaan, iyada oo aanay gaadhin xilligii loogu talogalay, taasi oo ay inoo caddaynayso in kuwa iminka madaxda u ah laamaha dawladda ee caadaystay in laba saacadood laga shaqeeyo xafiisyada dawladda ay yihiin ragga, waxa kale oo aynu ognahay inta shaqaysa ee dumarka ah inay ka baxaan wakhtiga loogu talogalay shaqooyinka.

Ugu dambayn; madaxweyne annagoo mar labaad kuu hambalyeynaynana, dumarku abaal ayey kuugu haynayaan wixii aad u qabato. Ma aha qaar wixii loo qabto illaawa waa qaar abaalka guda, xisbigii iyaga wax u tara ayey hiil iyo hooba la barbar istaagayaan.

Layla Muxumed Da’uud, Saamiya Cabdillaahi Mooge, Saynab Maxamed Cabdi, Nimco Cali Xirsi iyo Saynab Ibraahim Jaamac, Hargeysa.



Jamhuuriya Online

Printable version     Email this to a friend




 

Ra'yi / Opinions
Book Launch – Adduun iyo Taladii – A Collection of Essays about Citizenship by Rashid Sheikh Abdillahi
07/09/2010 -
WAR-SAXAAFADEED
07/09/2010 - Ibrahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
Two roads, similar history – Awdal Road and Fairfax Country Road
07/09/2010 -
FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA.
07/09/2010 -
Culaysyada Qabiilaysan ee ku Gedaaman Madaxwayne Siilaanyo
07/09/2010 - Qalinkii Eng. Maxamed Xuseen
GAR-SUGOW MA TIHID GARSOORE!
07/09/2010 - Maxamad Cabdi Daauud/
Taariikh Nolaleedkii Taliyihii Hore Ciidaanka Booliska Somaliland Ala hawnaxariistee ( Maxamed Cige)
07/09/2010 -
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Bannaan (ULPA) oo Madaxweynaha ku Hambalyeeyey Maxjarka Cusub
07/09/2010 -
Hambalyo Meher
07/09/2010 -
Hambalyo
07/09/2010 -
Musuqmaasuq Hadheeyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
07/09/2010 - Axmed Maxamed Axmed, Hargeysa.
Tacsi Cabdilaahi Askar
07/09/2010 -
 
 
 

 

Jamhuuriya Online Edition - All rights reserved © 2002